Somalia: Xarakada Al-Shabaab Oo Weeraro Xoogan Ku Qaaday Gobolka Gedo Kuna Dishay Taliye Ciidan

0
455

Somalia: Xarakada Al-Shabaab Oo Weeraro Xoogan Ku Qaaday Gobolka Gedo Kuna Dishay Taliye Ciidan.

Gedo (Warsugannews)-Xoogag hubeysan oo la aaminsan yahay inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab, ayaa xalay weerar culus ku qaaday Deegaanka Garille Ee Gobolka Gedo. Deegaankaasi wuxuu ku dhow yahay xuduuda Kenya.

Xoogagan, ayaa weeraray fariisimo ay Ciidamada Dowladdu ku lee yihiin Deegaankaasi. Dagaalka oo dhacay saqdii dhexe ee xalay, ayaa waxaa mintisiinta u suurta gashay inay la wareegan gacan ku haynta Garille.

Wararka, ayaa waxay intaa ku darayan in weerarkaasi lagu dilay Taliyihii Ciidanka Dowladda ee aaggaasi, Gaashaanle Cabdi Xuseen Ibraahim (Xawaadlow).

Dadka Deegaanka, ayaa soo sheegaaya in Shabaabku ay dab qabadsiiyen saddex ka mid ah gaadiidka Ciidamada Dowladda, xilli ay ku qabsadeen weerarka ay ku galeen Garille.
Mintidiinta, ayaa kol dambe isaga baxay Deegaankaasi, waxaana dib ugu soo laabtay Ciidamada Dowladda, oo hadda la soo sheegaayo inay ku sugan yihiin halkaasi.

Weerarkan, ayaa qayb ka ah weerarada ku dhufada ee ka dhaqaaqa ee Shabaabku xilliyada qaarkood ka gaystaan Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya

Warsugannews/Gedo Somalia Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here