SOMALILAND OO EEDEEYN KULUL U JEEDISAY TURKIGA

0
714

Wasaarada arimaha dibada maamulka Somaliland ayaa dowladda Turkiga ku eedeeyay in ay u gaftan madaxbanaanida maamulka Somaliland .

Afhayeenka Wasaarada arimaha dibada maamulka Somaliland Axmed Yuusuf Cilmi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu yahay wax laga xumaado hadal dhawaan kasoo yeeray safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya ,kasoo ahaa in dowladda Turkiga ay ka go’antahay midnimada umada Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay in ay Soomaaliya ay ka go’een 25 Sano hor islamarkaana Soomaaliland ay tahay dowlad madaxbanaan.

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in ay midayso umada Soomaaliyeed , islamarkaana u jeedada laga leeyahay wadahalada Somaliland iyo Soomaaliya ay tahay in la mideeyo .