AC Milan oo doonaysa laacibiinta Cesc Fabregas, Riyad Mahrez iyo Jack Wilshere

0
365

Kooxda AC Milan oo ay dhowaantan la wareegeyso dallada Chinese ah ayaa la filayaa inay suuq-jiilaalka isku xoojiso maaddaama ay ka xeebtay suuq-xagaagii.

Wararka haatan ka imanaya dhankaa iyo England ayaa sheegaya in ay Milan diiradda saarayso inay xiddigo ka keensato xeebaha Ingiriiska midkood Jannaayo ama Juun.

Sida ku qoran Daily Express, kooxda Vincenzo Montella ayaa ragga ay isha la raacayso waxaa ka mid ah Cesc Fabregas (29) Chelsea, laacibka Riyad Mahrez (25) ee Leicester iyo Jack Wilshere (24), oo isagu haatan amaah ugu jooga  Bournemouth kaasoo ay xitaa xagagii isku dayday inay kasoo amaahato Arsenal.