Somaliland Waxay uu Baahan Tahay Hoggaaminta Jamaal Cali Xuseen!

0
382

Somaliland Waxay uu Baahan Tahay Hoggaaminta Jamaal Cali Xuseen!

Jamaal Cali Xuseen waa aqoonyahan u dhashay somaliland waxanu muddo dheer wax kusoo bartay dalka Mareynkanka waxanu shahaado Caalami ah kasoo qaatay Jaamacadda Had ved oo ah ta uu qaalisan aduun-weynaha Jaamacaddaha ku yaala. Waxanu muddo kasoo shaqeeyey dalalku yaala qaaradaha kala duwan ee aduunka, waxa uu madax kasoo noqday Baanan kala duwan kuwaasoo dhamaantood uu Guulo muhiim ah kasoo gaadhay shaqooyinkii uu kasoo qabtay, Jamaal waxa uu markii danbe Maamule Guud kasoo noqday Baanka Caalamiga ah ee Tansaaniya ee City Bank Kaasoo uu kor-u-qaaday dhaqaalihiisa isla markana gaadhsiiyey meel aanay cidi gaadhsin.

Jamaal Ma yaqaano qabyaaladda waa aqoonyahan ka fog xaasidnimo, Nin jecleysi iyo cudurka qabiilka. Waa aqoonyahan
ku xeel-dheer Culuumta dhaqaalaha, isagoo leh khibraad waayo aragnimo dheeraad ah oo uu ku baday Beesha Caalamka.

Haddaba, Somaliland shacabkeedu Maanta waxay haystaan fursad ay kaga baxaan qabiilka iyo qabyaaladda naafeysay hoggaanada soo maraa, waxanu maanta haddii eebbo idmo diyaar uu ah Musharax aqoonyahan da’yar Somaliland gaadhsiin karaa guusha aqoonsiga, kor-u-qaadida dhaqaalaha dalka, la dagaalanka aafooyinka dabeeciga ah iyo waliba horumarka Siyaasadda Geeska Africa. Sidoo kale, waa jaanis maanta ay haboon-tahay inay ka faa’iideystaan Dhalinyarada reer Somaliland oo uu ku xidhan yahay Dabar ah in aanay xilalka sare ee dalka qaban, kuwaasoo ay maamulaan maskaxo daaleyn la socoo…

Qoree:

Qaasim abokor Cali

Qaasim4422@gmail.com

Hargeysa/Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here