Somaliland:”Hal Milyan oo qoys ayay Abaaruhu Saameeyeen”

0
555

Somaliland:”Hal Milyan oo qoys ayay Abaaruhu Saameeyeen”

Xarunta Dhaqanka Ee Hargeysa oo Qabtay Kulan Ka Hadlay Dhallinyarada iyo Isdirida.

Hargeysa(Warsugannews)-Kulan balaadhan oo lagaga hadlayay mutadawacnimada amma isdiridda qofka iyo doorka qof kastaa ka qaadan karo gurmadka abaaraha dalka ka jira, ayaa xalay lagu qabtay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa.
Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, isla markaana ay ka qaybgaleenCulima’udiin, waxgarad, dhallinyaro iyo qaybaha kale ee bulshadu, ayaa waxa dadkii ka qaybgalay ee halkaasi ka hadlay ka mid ahaa Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, Sheekh Xasan Cabdisalaan iyo Sharma’arke Geelle oo ka mid ah guddigii dhawaan madaxwaynaha Somaliland magacaabay.

Kulankaasi oo uu ku lamaanaa mid lagu xusayay maalinta dhallinyarada Somaliland oo ku beegnayd 20 February, ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil oo sheegay in abaartu saamaysay hal milyan oo ka mid ah dadka Somaliland una baahan yihiin in la caawiyo.

Xoghayaha Golaha Wasiiradda Md. Sharmarke Axmed Muxumed (Geelle) oo kulanka hagayay isla markaana martida qayb ka ahaa dadka la xog waraysanayay ayaa sheegay in dhallinyaradu yihiin xooga dalka isla markaan waxa uu ugu baaqay inay dadka ay abaaruhu saameeyeen caawiyaan.

“Waxa caawa isku keen keenay magaca Dhaliyaro, kaas oo kulmiyey afar fac oo kale duwan,waxaana munaasibada inagu weheliya raggii dhalinyarada ahaa 1972 markaa waxaa loo baahanyahay qof la jaanqaadi kara fac kasta oo jira waxaanan u mahadcelinayaa Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo suurtogeliyay in qaybtii anigu aan qaabilsanaa oo ahayd dhallinyarada oo aanan awoodeen in aan meel iskugu keeno uu aynu Xaruntan Dhaqanka ku kulano, si aynu uga wada hadalno doorka dhallinyaradeena kaga aaddan taakulaynta dadkeena abaaruhu ku habsadeen.”Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Balse waxaa qiimo badan samayn doonta haddii..mid inaga mid ahi uu hal doollar oo uu biyo siiso is lahaa iyaga u diro si uu taageero ugu fidiyo.”

Wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed ayaa ka hadlay faa’idad ay sadaqaddu leeyahay in lala baxo, waxaanu bulshada ugu baaqay in ay saqada la baxaan si ay uga badbaadaan waxyaabo badan oo saamayn lahaa.

“Sadaqadu waa dawada lagu daweeyo dhibta iyo abaaraha waana sunihii asxaabteena iyo rasuulkeena(NNKH),sadaqadu dunuubta way baabiisaa,sidoo kale waxay noqotaa xijaab balaayo kugu dhacaysa,markale waxay noqotaa caafimadka cudurada ina haysa dawaysa,markaad saddaqada bixisaan ayuu illaahay idiin naxariisanayaa,sadaqadu way balaadhan tahay “Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland.

Wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil kana mid ah guddigii uu dhawaan Madaxwaynaha Somaliland u magacaabay abaaraha ayaa waxa uu dadka Somaliland u soo jeediyay inay iska kaashadaan sidii dadka abaaruhu saameeyeen wax loogu qaban lahaa isla markaana wada jirka iyo wada shaqaynta lagu dadaalo si dadkaasi loola gaadho gargaar bini’aadanimo.

Sheekh Khaliil Cabdillaahi wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland waxa uu sheegay inay dadka reer Somaliland ku fiican yihiin is caawinta,waxaanu sheegay in markiiba caawimo dadku isla garab taageen kooxdii guddiga ahayd ee abaaraha loo magacaabay.

“Telefoonka caawinta abaaraha (Zaad) wuxuu bilaabmay maalintii jimcihii, saacaddaa aan idinla hadlayo (Xalay)wuxuu marayaa 22 Kun oo dollar oo dadkeenu soo direen,waxaanu ka faaidaysanaya social media-yaha,xisaabaadkii kale waxaanu ugu tagnay iyagoo buuxa oo dadkeenu ku soo direen,dhalinyarada ayaa samayn karta oo ka faa’idayn karta”Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi.

Sheekh Xasan Cabdisalaan oo ka mid ah guddigii dhawaan madaxwayne Siilaanyo magacaabay oo ka hadlayay kulanka ay soo qaban qaabisay xarunta dhaqanka ee Hargeysa ayaa sheegay inay dadka reer Somaliland soo direen lacago badan oo ay ku caawinayaan dadkooda.

“Afar boqol oo kun oo dollar ayaanu haynaa labadii maalmood ee u dambeeyay,waxaan isleeyahya haddii ay sidaasi ku sii socto waxa soo bixi doona wax wayn oo aynu umadeena wax ugu qabano,maanta waa maalin adag waxaynu u baahanahay inaynu gacmaha is qabsano,inaynu is caawino.Dhibaatadan taagani waa mid la inagu wada eegayo keena wax haysta iyo ka dhibtu haysataba,waxaana la inaga doonayaa inaynu wax quudhno oo wax bixino,yaynaan yaraysanin oo qof waliba wax ha bixiyo markaasi ayay wexeenu inoo hagaagayaan,walalkeen ayaynu ku badbaadinaynaa,Dhallinyarooy dalkani cid kale oo uu sugayaa ma jirto idinka ayuu marti idiinka yahay waxaanu idinka sugayaa inaad halka uu fadhiyo hore uga qaadaan,waxaan u mahadnaqayaa xarunta dhaqanka ee Hargeysa”Sheekh Xasan Cabdisalaan.
Xarunta dhaqanka ee Hargeysa ayaa kulamo u qabta hadba xaalada dalka ka jirta ee laga doodi karo ama bulshadu isku waraysan karto.

IMG_1534

IMG_1546

IMG_1553

IMG_1758