Madaxweyne Hal aan Tabayey Hanablyo Gudiga Ictiraaf Raadinta Qaranka Aad Magacowday

0
316

Madaxweyne Hal aan Tabayey Hanablyo Gudiga Ictiraaf Raadinta Qaranka Aad Magacowday

Ruug cadaa siyaasadeed oo waayo arag Axmed Maxamed Siilaanyo Madaxweynaha Qaranka allaylahee waa hal aan tabaayey mar hadii uu maanta magacaabay gudi Icttiraaf raafinta somalilanad oo isugu jira Aqoonyahan Haldoorka iyo dad la majiirto oo qaranka qiimo ugu fadhiya, Mudane Madaxweyne waxaan ku leeyahay hanbalyo shacabku guulahaas iyo guulo ka waa weynba waa kaa rajaynayeen dabcan waxaan u arkaa inaad gudatay waajib qaran oo xilkiisu ku saarnaa waan kugu mahadinayaa garashada ku siisay inaad gudigaasi magacowdo waliba aad usoo xusho hab iyo hanaan ay ku jirto haybada hogaamineed.

Qaranka Somaliland maanta wuxuu shacabka Geeska Africa dheeryahay waa Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo halgamaa tiiwaanka taariikhdu baal dahaba ku xaradahy runtiina aan odhan karno waa tusaale fiican oo jid cusub u jeexay siyaasiyiinta badan oo qaranka hogaamin doona hadii alle ka dhigo , waana hubaal in umadu hogaaminta Madaxwyene siilaanyo ay mahadisay oo maalinkasta ay ku faraxdo talaabada uu qaado iyadoo qarankuna talaabadaasi uu kor ugu socdo islamarkaana ay wax ugu kordhaan taasi waxay muujinaysaa oo marag u tahay hogaaminta suuban ee Madaxweynaha.

Gudiga Ictiraaf raadinta Jamhuuriyadda Somaliland waa xubo xul ah oo qaranka milgo badan ku leh waa dad hadii ay shaqadaasi si daacad ah u gutaan oo shaqadaasi guda galaan kasoo bixi kara islamarkaana qadiyada Somaliland ka iibin kara fagaarayaasha caalamka , waxaa ku jira shikhsiyaad hal door ah oo fagaarayaasha siyaasada caalamka si weyn looga yaqaan islamarkaana garaaci kara oo furi kara albaabo badan oo Somaliland ka xidhnaa, waxay samayn doonaan awood iskaashi iyo afkaar midaysan taasina waxay saamixi doontaa inay keenaan aqoonsi buuxa .

Talaabadan uu qaaday Madaxweynaha JSL waxay taabatay quluubta Shucuubta Somaliland kuwaas oo u riyaaqaayey inay maruun arkaan qarankan oo ictiraaf helay balse Madaxweyne Siilaanyo wuxuu furay dariiq ay garashadiisa hogaamineed siisay inuu haldoorkii qaranka iyo dadkii dunida macaacilka lalahaa uu u garto inay qaranka raadiyaan ictiraafkiisa iyagoo isku duuban oo taasi waa mid aad loogu baahnaa qarankuna uu in badan uu naawilaayey .

Somaliland Guul iyo Gobanimo Waarta.

Attachments area
Preview attachment Madaxweyne.jpg
Image
Madaxweyne.jpg