Waan Ku Diirsaday, Doorka Maantaaye(Hambalyo Madaxweyne Gudidaas Ictiraaf Raadinta)‏

0
489

Waan Ku Diirsaday, Doorka Maantaaye(Hambalyo Madaxweyne Gudidaas Ictiraaf Raadinta)‏

In mar uun ictiraaf caalamiya la helo, waa mid ka mida rajooyinka iyo himilooyinka ay ku hamiyaan guud ahaan bulsho weynta ku dhaqan carigan soomaalilaan. Waxyaabaha xiisaha iyo xusuusaha gaarka ah maskaxdaada ku xardhaya ayuu ka mid yahay erayga ictiraaf ama aqoonsi markaad ka maqasho ilmo yar oo aan magaciisa sixi karin balse ku dhawaaqaya eraygaas, waxaanad ka qiyaasi kartaa qadiyada eraygaasi sida miisaanka iyo mucdamka leh uu u dagay qalbiyada iyo quluubta shucuubta bulsho weynta. Haddaba in kasta uu heerkaas iyo cabirkaas qotada dheer gaadhay eraygaas waxa aynu ka wadda dharagsanahay inaan la galin tacab iyo juhdi dheeraad ah, tan iyo dib u yagleelkii dawladnimo wuxuuna ahaa mid aan hadal hayntiisa aanay u kala baydhin dawladihii kala dambeeyay, si kasta oo ay tahay aanay muuqan bidhaan ah soo dhawaasho balse waxaaba muuqatay duruufo iyo sii adkaansho uu ku sii siqayay inuu galo xidhiidhi. Iyada oo ay tiro beel yihiin carqaladaha jira haddana ta ugu xooga weyn ayaa ah in aynaan kaba yeelan hindise qaran iyo qorshe aynu ku hawl gali karno, waxaana inoo caado noqotay in hadd ba wasiirkii la magacaabaa uu u kaxeeyo siyaasadda arrimaha dibada siday maankiisa ama garaadkiisa la noqoto, taasi na waa tasaw ga ku dhacay arrimaha dibadeena iyo guud ahaan rajada aynu naawiladeeda sugayno.

Si kasta oo ay ahaataba dhambaalka ka soo baxay qasriga madaxtooyada iyo dhiirashada uu madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku dhiiraday in uu magacaabo gudi sugta siyaasadda arrimaha dibada, waxay noqonaysaa talaabo loo qaaday dhanka xaqiiqda in hor taala waxaanan madaxweynaha si khaas ah ugu bogaadinayaa inuu wakhti xaadirkan garwaaqsado in siyaasaddeena arrimaha dibada ee gabi dhaclaynaysaa u baahan tahay in salka laga soo unko oo dib u qiimeyn balaadhan inta lagu sameeyo ka dibna la soo saaro dariiqayadda aynu u baahanay inaynu marno iyo qorshayaasha qarankan gaadhsiin kara xaqiiqda hor taal hadday tahay mid macaan iyo mid qadhaadh ba. Guntii iyo gunaanadkii waxaan gudidaas cusub ku dardaarayaa inaanay nasan ee ay wakhtigooga inta badan galiyaa sidii ay u soo saari lahaayeen dhabadii iyo dariiqii xaqiiqda aha ee aynu ku hanan karno ujeedada qarankani ku sii jiro karo, waxaanan leeyahay xaqiiqda idinka hor timaada yay noqon mid aad huursataan balse bulshada waxa sad iyo nolol ba u noqon kara xaqiiqda ay leedahay arrintaas tunka la idiin saaray, waxaanan idiin rajaynayaa shaqo wanaag iyo isku xidhnaan, Alle ha idinku asturo.

Qalinkii: Liibaan Ismaacii Cabdilaahi

Email: Liibaanhanad79@gmail.com