Soo Shaac-Bixii Urur-Diimeedka Ikhwaanu Muslimiin … W/Q: Cali Cabdi Coomay

0
425

Soo Shaac-Bixii Urur-Diimeedka Ikhwaanu Muslimiin … W/Q: Cali Cabdi Coomay

Markii ugu horaysay waxa diidmo xoogan kala horyimid dariiqada suufiyada. Ka dib ikhwaanku waxa ay ka fogaadeen

Urur-diimaadkan waxa la aasaaray sannadkii 1928-kii. Waxaana aasaasay Xasan AxmedC/rahmaan Al-Banna. Ujeedada Xasan Al-Banna waxa ay ahayd in uu soo nooleeyo khilaafadii islaamka ee Cusmaaniyiinta ee Turkiga deganaa, ee burburtay sannadkii 1919-kii. Markii ugu horaysay waxa diidmo xoogan kala horyimid dariiqada suufiyada. Ka dib ikhwaanku waxa ay ka fogaadeen in ay iska horyimaadaan kooxaha kale ee islaamiyiinta ah.

Hogaamiyeyaashii Soo Maray Ururka.

üXasan Al-Banna……………………………………………………..1928…………1949

üXasan Hudaybi……………………………………………………….1949…………..1972

üCumar Al-Tilmisani………………………………………………….1972………….1986

üMax’ud Hamid Abu-Al-Naser………………………………….1986…………..1996

üMustafa Mashhur……………………………………………………1996…………..2002

üMax’ed Mahdi Akef…………………………………………………2004…………..2010

üMax’ed Badic……………………………………………………………2010…ilaa………….imika

Dalalka ay ku fidiyeen Ururkooda.

1. Dalka Baxrayn

Laanta ururka ikhwaanu muslimiin waxay isticmaalaan magaca Al-islaax. Garabkooda isyaasadeedna waxa la yidhaa Al-Menbar. Waxay noqdeen urur xoogan sannadkii 2012-kii oo ay

dhacday doorasho baarlaam waxay ku guulaysteen 8 kursi. Waxay taageeraan dawlada baxrayn.

1. Dalka Suuriya

Laanta ururka ikhwaanu muslimiin waxa la aasaasay sannadkii 1930-kii. Doorashooyinkii dhacay sannadkii 1961-kii waxay ku guulaysteen 10 kursi, balse sannadkii 1963-kii ee dalka suuriya uu inqilaabay xisbiga BACAS, waxa la mamnuucay jiritaankii ururka ikhwaanu muslimiin way ka maquurteen dagaalada ka socda suuriya.

Dalka Joordan

Laanta ururka ikhwaanu muslimiin waxa la aasaasay sannadkii 1942-kii. Waxay la baxeen Hisbut-Tahrir, balse markii dambe waa la mamnuucay xisbigaasi. Markii dambe waxa la sameeyey xisbi cusub oo loogu yeedho dhaqdhaqaaqa islaamiga ah. Wuxuu noqday xisbi siyaasadeed oo caan ah. Waxay leeyihiin kuraas badan baarlamaanka dalkaasi.

Dalka Ciraaq

Laanta ikhwaanu muslimiin ee dalka ciraaq waxa la yidhi xisbiga islaamka ee ciraaq. Waxa la aasaasay sannadkii 1960-kii. Laakiin waxa la mamnuucay sannadkii 1961-kii waana wakhigii uu xukunka hayey Abdal-Karim Qaasim. Waxa kale oo cadaadisku sii kordhay wakhtigii xisbul BACAS ee 1963-kii. Markii la riday SadaamXuseen ayay dib isu-habeeyeen oo soo shaac-baxeen. Waxay ka qaybqaateen doorashooyinkii ka dhacay dalka. Imika waxa hogaamiya Taariq Al-Hashmi M/weyne ku xigeenka dalka.

Dalka Sucuudi Arabiya

Laanta ikhwaanu muslimiin maaha qaar firfircoon oo sucuudiga ayaa cadaadis saaray jiritaankooda. Laakiin waxa loo ogolaa inay dalka joogi karaan, balse waxa lagu amray inay ka fogaadaan saamaynta siyaasada. Markii laga shakiyay inay abaabul wadaan, ayay dawlada boqortooyadu ku eedaysay ikhwaanu muslimiin inay dunida muslimka ah dhib ku hayaan. Sucuudigu wuxuu kula dhaqmaa siyaasad qabow, oo wuxuu la socdaa dhaqdhaqaaqooda.

Dalka Kuweyt

Laanta ikhwaanu muslimiin waxa loogu yeedha HADAS. Waxa ku xoogan yihiin baarlamaanka dalkaasi. Waxay xidhiidh fiican la leeyihiin xukuumada dalka kuweyt. Waxay gacanta ku hayaan inta badan jaamacadaha iyo iskuulada dalkaasi.

Dalka Yeman

Laanta ikhwaanu muslimiin ee dalkan waxay ku hawlgalaan magaca islaax. Waxay xoog ku leeyihiin ganacsiga, waxbarashada iyo siyaasada. Kacdoonkii lagu riday M/weynihii hore ee Cali Cabdulle Saalax ayay ahayd guushii ugu horaysay ee islaax gaadho. Waxay ahaayeen maskaxdii ka dambaysay kacdoonka ka dhacay dalkaasi. Iyagoo adeegsanaya ardayda dugsiyada, jaamacadaha iyo kuwa ka shaqeeya goobaha ay gacanta ku hayaan. Cali Cabdulle Saalax ayaa ku eedeeyey inay xidhiidh la leeyihiin Al-qaacida sannadkii 2011-kii.

Dalka Cumaan

Laanta ikhwaanu muslimiin ee cumaan maaha qaar si fiican u shaqeeya amma firfircoon, waxaana culays saaray Suldaan Qabuus Bin Siciid. Suldaanku wuxuu ka cabsi qabay inay ku sameeyeen kacdoon. Dhawaan ayay ahayd markii la xidhidhay xubno tiro badan oo ikhwaanu muslimiin ah. Suldaan Qabuus ayaa ku eedeeyey inay taageero ka helayaan dadka aan aqoonta lahayn.

Dalka Aljeeriya

Laanta ikhwaanu muslimiin waxa la aasaasay intii u dhexaysay 1953-1954-kii waxay ka qaybqateen halgankii gobonimo doonka ee lagula jiray Faransiiska oo dalkaasi gumaysan jiray. Sannadkii 1962-kii markii xornimada ay qaadatay Aljeeriya ayay is-habeeyeen, balse may noqon urur jira oo firfircoon. Sannadkii 1990-kii markii Aljeeriya laga sameeyey xisbiyada badan, ikhwaanu muslimiin waxay la baxeen dhaqdhaqaaqa nabada ee bulshada. Laakiin ururkani muu noqon mid hanaqaada. Ikhwaanu muslimiinka Aljeeriya way diideen dagaalkii ay wadeen kooxda FIS ee dagaalka kula jirtay dawlada Aljeeriya.

Dalka Suudaan

Laanta ikhwaanu muslimiin xoog badan ayay ku leeyihiin dalka suudaan. Waxa la aasaasay sannadkii 1949-kii. Waxay gacan saar la leeyihiin M/weyne Cumar Xasan Al-bashir. Taariikhaha qaar ayaa sheegaya inay inqilaabka kula socdeen M/weye Cumar Al-bashir. Xasan Al-Turabi ayaa ah xubinta ugu weyn ee ikhwaanu muslimiinta suudaan hogaamiya. Ihwaanu muslimiin waxay gacanta ku hayaan xarumaha bangiyada, ganacsiga, maamulayaasha jaamacadaha.

Dalka Tuuniisiya

Laanta ikhwaanu muslimiin waxa lagu magacaabaa Al-Nahda, waxana la aasaasay sannadkii 1981-kii. Waana ururka ugu saamaynta badan dalka tuunisiya. Waxay ku soo shaac-baxeen kacdoonkii lagu riday M/weyne Bin Cali. Waxay gacanta ku hayaan goobaha waxbarashada.

Dalka liibiya

Laanta ikhwaanu muslimiin ee dalka liibiya waxa la aasaasay sannadkii 1949-kii. Ururku muu shaqayn karin jirin, oo dawlada liibiya ayaan ogolayn. Waxay soo shaac-baxeen markii la riday kornaly Qadaafi. Waxay la baxeen xisbiga dhimaha cadaalada. Doorashooyinkii ka dhacay dalka waxay ku guulaysteen 17 kursi.

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

Haragaysa, Somaliland

calicoomay@hotmail.com

Baadhis iyo Xog-Ururin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here