Soodhawaynta Suldaanka iyo Shirar muhiima

0
491

Soodhawaynta Suldaanka iyo Shirar muhiima
———————————————-
Suldaan mustafe Maxamuud Aw seed oo lagu doortay dhamaadkii bishii 12/2015 Degmada Adhicadeeye gobolka sool ayaa
Ayaa lagusoo dhaweeyay Magaalada Hargeisa maalintii axaddii garoonka diyaaradaha cigaal airtport Suldaanka oo kasoo kicitimay carriga maraykanka oo fadhigiisu ahaa
Ayaa wuxuu kulamo soodhawayn ah kula leeyahay magaalada hargeisa qaybaha bulshada gaar ahaan beelwaynta hawiye
Dhanka kale waxaa si habsamiya ugusoo qulqulaya magaalada hargeisa odayaasha dhaqanka iyo wax garadka beesha reer Fiqishini iyadoo lagu wado inuu halkaa shir hordhac u ah caleemo saarka iyo shirka aaya katashiga beesha ee bisha may ka dhicidoona degmada adhicadeeye gobolka sool
Dhanka kale waxaa caawa kadhacay Hoteelka Saxafi ee magaalada hargeisa kulan uu shir guddoominayo Suldaanka Guud ee beelaha Hawiye woqooyi Suldaan mustafe maxamuud Awseed
Iyadoo ay kasoo qayb galeen madax dhaqameedka beelaha hawiye ugaasyada wax garadka qurbajoogta iyo qaybaha kaladuwan ee bulshada
Dhanka kale waxaa iyaguna magaalada ku sugan odayaasha dhaqanka cuqaal iyo wax garad kasoo kicitimay Gobollada Sool Buuhoodle iyo Togdheer
Iyadoo la saadaalinayo inay halkaa kaga qaybgali doonaan shirar muhiim ah oo beeshani ay kaga tashandoonto aayaha mustaqbal ee siyaasadeed iyo la xisaabtanka maamulka soomaaliland oo ay ka maqanyihiin Saaxada saami qaybsiga iyo Hay’adaha dawliga ah ba

Abwaan Abdijibaar Aaden Gaas
Xogeyaha warfaafinta Golaha Dhaqanka