Qudbadii Dhaxal Galka Ahayd Ee Madaxweyne Siilaanyo. W/Q: Mustafe Cabdi‏

0
467

Tan oo kale miyeynu hore u aragnay? Shalay qudbadii uu madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ka jeediyey labada gole qaran waxay noqotay mid saamayn leh oo ay dadku kaga fal celiyeen dareeno wadaniyad xambaarsan, iyadoo baraha bulshada aad loogu hadal hayey falan qaynteeda.

Waxaan aad u la dhacay qaabka uu madaxweynuhu ugu jawaabay qolyahan reer koonfureedka ah ee siyaasada ka bartay weerarka Somaliland, Aleylee aboolkood ayuu mariyey. Hambalyo madaxweyne kun jeer.

Mudane, madaxweyne go’aanka aad ka qaadatay ficilada liita ee xanafta badan ee ay hadh iyo habeen inagu hayaan dawlada Xasan Sheekh uu maamulo, mana ah wax lo dul qaadan doono oo la sii dhagaysan doono, madaxweyne waxaanu kugu taageersanahay oo aau kula barbar taaganahay go’aankaaga geesinimada leh ee aad shalay ugu quus goyso Soomaaliya.

Madax banaanida Somaliland cid kastaaba way ogtahay in aad dhiig u daadisay mudane, madaxweyne mana jiro qof sida aan qabo shakiga kaga jiro in maatana aad naftaada u hurayso ilaalinta qaranimada Somaliland, cadaw kastana aad u badheedhayso.

Afar iyo labaatankii ay Somaliland jirtay waxaad ahayd nin ku suntan halganka dawladnimada, xiligana walwal nagama hayo inaad tahay madaxweyne xagiisa aan looga soo dhacayn Somaliland.

Qudbadii hore ee aad ka jeedisay labada gole sanadkii hore waxaad sheegtay in jiritaanka Somaliland haddii ay boqol sano oo dambe gaadhayso gorgortan gali mayso qaranimada Somaliland, tana waa la mid oo qaranku iib gali maayo, waanu kugu taageersanahay madaxweyne.

Mustafe Cabdi

Cmustafe99@gmail.com