Dhibaatada Soogalootigu ku Hayo Shacabka

0
565

Dhibaatada Soogalootigu ku Hayo Shacabka
Jamhuuriyadda Somaliland oo Halkii ugu saraysay
Marayasa iyo Dhacdadii Foosha Xumayd ee Burco ka dhacday

Soo galootigii Somaliland buux dhaafiyey ee shaqadii muwaadiniinta 45% Qaatay haday noqoto dhismaha, iyo dhulbeerista shaqada Hudheelada iyo dhamaan shaqadii hoose waxaa la wareegay ajaanib u badan qowmiyada Oromo, inkastoo ay xukuumadu uqabatay mudo bila hadana hadaan dadka shacabku la shaqaynin dowlada sidii waddanka looga saari laha dadka sharci darada ku jooga ama loogu samayn laha sharci ay dalka ku joogan cashuur dowladu kaga hesho baryo ku tagi mayaan haday tagaana bil fasaxa ayay maqnaanayaan oo way soo laabanayan bariba, Sida darteed waa in sharci adag laga soo saaraa,,

Wadanka ajaanib waa joogi kara oo aduunku makala maarmo lakiin wa marka uu sifo sharciya dalka ku joogo, had iyo jeer waxaad aragtaan iyadoo dowladihii aduunka ugu dhaqaalaha badnaa ee North America iyo Europe ay ka qaylinayaan soogalootiga xad dhaafka ah hadaba wadankan miyaan cidi lahayn ma looma ooyaanba mise wadankeena waa laga fiicanyahay waxaa la inaga raba inan sida fiinta uga qaylino soo galootiga waayo dal soo koraya oo faqriya ayan nahay maqaadi karo ajaanib dadkeena cidhiidhi ku galisa shaqada yar ee kooban hadii kale dhalinteenu way tahriibi danbiyada ay dalka ka galayaana wuu fara badan doona marka waa in lagala shaqeeya xukuumada sidii dalka looga saari laha dhamaan ajaanibta sharci darada ah.

dadkeenu waxay aad u ilaaliyaan ajaanibka inka badan muwaadinka waayo hadii aad aragto qof ajaaniba oo danbi ka galay wadanka ama qof muwaadina tusaale ahaan xadayba hadii uu qabto oo isyidhaa soo xidh dadkii aya kula dagaalamaya oo ku odhanaya sidaad u xidhaa miskiinkan, dadkeenu wacyi galin badan ayay u baahanyihiin,

ugu danbayntii waxaa uu qof ajaanib ahi ku dilay ilmo yar oo muwaadin ah isagoo dil foolxun u gaystay magaalada Burco ilahay samir iyo iman haka siiyo qoyskii uu ilmahaasi ka baxay, Arintaasina waa wax aan loo dulqaadan karin xukuumadu waa inay gacan bira ku qabata dambiilayaasha ajaanibka ah ee dadkii ay martida u ahaayeen laynaya u badkoodi, maalin walba waxaad maqlaysa Radio Hargeisa caruur la baadi doonayo oo la waayay xagay qabteen laysma way diiyo… dhacdadan foosha xun waxa ka hawl galay oo soo gabtay dambiilihii shacabka reer Burco oo aan ku amaanayo siday gacanta ugu soo galiyeen ciidanka nabad gelyada..

Allaa Mahadleh

Somaliland guul iyo gobanimo

Abdiqani Salaf Kaptanka