Taliyaha Ciidanka Boliska Somaliland Oo Ka Hadlay Xaalada Amaan Ee Dalka ka dib markii ay golaha guurtidu ugu yeedhen xaruntooda

0
366

Taliyaha Ciidanka Boliska Somaliland Oo Ka Hadlay Xaalada Amaan Ee Dalka ka dib markii ay golaha guurtidu ugu yeedhen xaruntooda.

Hargeysa(Warsugannews)-Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iiman ayaa ka waramaya amaanka guud ee dalka waxa uu cadeeyay in ciidanka boolisku hanteen amaanka dalka cid kasta oo khalkhal galinaysana ay gacanta ku soo dhigeen ayna xagameeyeen maandooriyaasha.

Taliye cabdilaahi ayaa kulan uu la qaatay xubnaha jogtada ah ee golaha guurtida waxa ay kaga dhagaysteen warbixin faahfaahsan oo ku saabsan amaanka dalka isaga oo khudbadiisa ku soo qaatay koox maalmihii u danbeeyay rabshado ka sameeyay magaalo xeebeeda Berbera isaga oo cadeeyay in ay qaana qabteen hawl galkuna wali socdo waxaana ka mid ahaa hadaladiisi “waxa kale oo aan iyana halkan ka sheegayaa ciidanka bolisku had iyo goor hawl galo ayay galaan waxaan halkan ka bayaaminayaa ciidanku bolisku mar kasta waxa ay ku amran yihiin in ay ilaaliyaan shacabkooda in ay dhawraan iyaga oo naftooda ilaalinaya dhibaatooyin badan baan ka soo gaadha ciidanka cida shacabka ah ee boliska wax ka soo gaadhana raali kama nihin waa ka xunahay dhibaatada ka timaada iyga oo waajib qaran gudanaya hadana ma jeclin in shacabkii dhibaato soo gaadho”

Waxa kale oo taliyuhu ka hadlay ciidanka iyo tababradooda in dhibaato ka dhicin balse ay tahay qadar illahay waxaanu yidhi “waxa la bara sida rabshadaha looga hor tago waxa la bara sida khasaaraha loo yareeyo hora waa loo baray askarigu marka uu xabada ridayo qadarna meesha waa jiraa laakin ana waajibkayaga ayaa lagu tababay”

Ugu danbay waxa uu ka hadlay taliyuhu kordhin ay ku samaynayaa tirada ciidanka waxa kale oo uu ka hadlay dhibaatda ka soo gaadha ciidanka hawlgalada waxaanu yidhi “waxa noo qorshaysan iminka ciidanku waxa ay uga baxaan tababarada 50 ilaa 60 lakiin sidaan horaba u sheegay ciidanka dhamaan gobolada waanu gaadhsiinaynaa, hadaan ka hadlo dhanka kale sanadkan aynu ku jirno ilaa 71 ayaa dhaawac ka soo gaadhay hawlgalo dhaawacyadaasina xabaday lahaayeen dhagax bay lahaayeen budhadh bay lahaayeen toori bay lahaayeen”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here