UN Oo Dhaliilay Xulafada Sacuudigu Hogaaminyo Ee Duqaynta Yaman

0
434

UN Oo Dhaliilay Xulafada Sacuudigu Hogaaminyo Ee Duqaynta Yaman

Guddiga xuquuqda aadamaha ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay xulafada uu horkacayo Sacuudigu ee weerarada cirka ka geysanaya Yemen.
Warbixin uu soo saaray guddiga xuquuqda carruurta ayaa sheegay in weerarrada aan kala sooc laheyn ee ay xulafadu ku hayso goobaha dadka rayidka ah, ay ku dhinteen boqolaal carruur ah
Waxa ay sidoo kale dhaleeceysay waxa ay ugu yeedhay tallaabooyin gaajo loogu dilayo shacabka.
Warbixinta ayaa sheegaysa in ka badan saddex milyan oo carruur ah in ay wajahayaan nafaqa darro, iyadoo ay xaalad bani’aadanimo oo xun ay halkaa ka taagan tahay.
Xulafada uu horkacayo Sacuudiga ayaa ku adkeysanaysa in duqeymaha cirka ay qaadayso aanay bartilmaameedsaneyn dadka rayidka ah.