Boqolaal Qof Oo Ku Dhintay Duufaanta Ku Dhufatay Koonfur Galbeed Dalka Haiti

0
697

Boqolaal Qof Oo Ku Dhintay Duufaanta Ku Dhufatay Koonfur Galbeed Dalka Haiti

Waxaa soo baxaya muuqaalo musiibo ay ka muuqdaan, Kaddib markii gacanka Koofur Galbeed ee Haiti ay ku dhufatay duufaanta Hurricane laba maalmood ka hor, Dowladda Haiti waxa ay sheegeysaa in tirada dhimashada hadda ay ka badan tahay 300 oo qof.
Hay’adaha gargaarka waxa ay sheegayaan in gacanka magaalada ugu weyn ee Jeremie, ay intabadan burburtay, Boqolkiiba 80 dhismayaasha ayaa waxaa qaaday daadadka ka dhashay roob xoog badan oo halkaasi ka da’ay iyo dabeysha.
Dhanka Koofurta ee gobolka Sud, qiyaastii 30 kun oo guryo ayey dabeysha burburisay, Saraakiisha dalkaasi waxay sheegayaan in duufaanta ay dhaawac iyo dhibaato xun u geysatay Haiti, Daadadka waxay qaadeen buundooyiin, geedaha waaweyn ee buuraha dushooda ku yaallay, iyo guraha iyo beeraha.
Dhanka kale, Duufaanta hurricane waxay hadda u jiheysatay dhanka Bahamas iyo dhanka koofurta Bari ee Mareykanka.
Malaayiin qof oo ku nool afar gobol oo Mareykanka ah ayaa ka baxaya guryahooda kaddib digniino la soo saaray, Dadkan oo ka qaxaya dhanka xeebaha, waxay mashquul ka dhigeen jidadka waaweyn.
Madaxweyne Obama waxa uu xaalad degdegga ah kaga dhawaaqay gobollada Florida iyo South Carolina, Waxaa sidoo kale la joojiyay shaqada dekadda North Carolina.
Xarunta qaran ee Hurricane ee mareykanka waxa ay sheegeysaa in daadadka ay gaadhi karaan shan mitir biyo joogoodu dhan yahay oo hirar waaweyn sita.