Ururka Ardayda iyo Jaaliyadda Soomaaliland ee Malaysia oo munaasabad u qabtay ardeyda sanadkan ka qalin-jabisay jaamacadaha Malaysia +Sawirro

0
613

Ururka Ardayda iyo Jaaliyadda Soomaaliland ee Malaysia oo munaasabad u qabtay ardeyda sanadkan ka qalin-jabisay jaamacadaha Malaysia +Sawirro

Malaysia (WSN)Kuala Lumpur Ururka jaaliyadda Soomaaliland ee dalka Malaysia ayaa munaasabad gaar ah ugu qabtay magaalada Kuala Lumpur ardeyda Soomaaliland ee sanadkan 2016 ka qalin-jabiyay jaamacadaha Malaysia.

Munaasabadda oo si wanagsan loo soo agaasimahay,waxaa ka qayb-galay mas’uuliyiinta ururka,ardeyda Soomaaliland ee sanadkan ka qalan-jabiyay jaamacadaha Malaysia oo tiro ahaan gaarayay 60 ardey,balse waxaa munaasabadda soo xaadiray illaa 32 ardey oo dhammeystay waxbarashada heerka Degree iyo Master-ta.
Waxaa kalo xalfadda ka qayb-galay marti sharaf kale,inta ay socotay waxaa hadallo jeediyay hoggaanka ururka jaaliyadda,ardeyda galin-jabisay iyo mas’uuliyiin kale oo ka socotay shirkadda Itoobiya Airline,Tawakal Hosbital iyo Elite Language centre.

Saynab Ibrahamid Cabdi, oo ka mid ah ururka jaaliyadda,sidoo kalana sanadkan dhammeysatay waxbarashada heerka Master-ta ayaa ugu horreyn munaasabadda hadal ka jeedisay,iyadoo kula dar-daarantay ardeyda waxbarashadu inaysan dhamman,waxaa kalo ay u mahadcelisay hoggaanka jaaliyadda Soomaaliland ee Malaysia iyo dhamman dhinacyadda taageerray xalfadda loo qabtay ardeyda sanadkan heerarka kala duwan ee waxbarashada ka dhammeeysay jaamacadaha Malaysia.

Maxamed Cabdullaahi Yusuf oo ka mid ahaa ardeyda heerka Degree-ga sanadkan dhammeystay ayaa isna sheegay in looga baahan-yahay ardeyda waxbaratay inay aqoontooda dalka kula noqdaan,si looga kaaftoomo masaafadda dheer ee ardeyda Soomaaliland ay waxbarashada usoo doonanaayaan.

Sugan-yahay Yaasin Magan oo marti-sharafta ka mid ahaa,wuxuu isna munaasabadda ka jeediyay suugan uu kaga hadlay aqoon-yahanka qofka uu yahay,wuxuu sheegay in looga baahan-yahay ardeyda waxbarashada heerarka kala duwan gaartay isbadal inay abuuran.

Maxamed Ibraahim Aadan (Abees), oo horay usoo noqday guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliland ee Malaysia ayaa ku booriyay ardeyda xalfadda loo qabtay inay horey u socdaan oo aysan meesha uga harin waxbarashada ay heerarka kala duwan ka gaaren.

Guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliland ee Malaysia,Nuuradiin Ibrahim Xassan oo hadalka ugu dambeeyay munaasabadda ka jeediyay wuxuu u mahadceliyay dhamman dadkii ka qayb-galay iyo ardeyda sanadkan waxbarashadooda dhammeystay oo u hambalyo u diray,wuxuu ku wargaliyay inuu sugayo dalkooda oo hadda ah mid soo koraya.

“Waxaan idin ku hambalyeen guushiina waxbarashada,aadban ugu faraxsanahay,”ayuu yiri Nuuradiin oo inta ku daray,” Waxaad ogaatan dal soo koraya oo curdan ah inuu idin sugayo oo la idinka doonayo inad u horseedan isbadal,”

Waxaa kalo uu ka hadlay guddoomiyaha wax-qabadka ururka jaaliyadda,wuxuu sheegay inay mar walba ka shaqeynayaan isku xirka iyo horumarinta ardeyda iyo jaaliyadda Soomaaliland ee ku sugan dalka Malaysia.
Guddoomiyaha wuxuu gaba-gabadii shahaadooyin guddoonsiiyay dhamman ardeyda sanadkan dhammeysatay waxbarashada,kuwaado munaasabadda goob-jooga u ahaa iyo dadkii kale ee ka qayb-qaatay gabsoomida xalfadda ardeyda loo qabtay.

Sanad walba ururka jaaliyadda Soomaaliland wuxuu dalka Malaysia ku qabta munaasabaddo noocan ah oo lugu dhiiri-galinayo ardeyda wax ka barata dalka Malaysia.