URURKA CAANAHA EE BARWAAQO

0
81

URURKA CAANAHA EE BARWAAQO
Dib ula soo noqoshadii xornimada qaranka jamhuuriyadda soomaaliland dumarku waxay si laxaadle uga qayb qaateen dib udhiska dalka kuwaasi oo dhinacyo badan ku soo kordhiyey horumar la taaban karo sida kaabida dhaqaale, nabadaynta iyo dib u heshiisiintii beelaha walaalaha ahaa Iwm.
Hadaba, caanuhu waxay ka mid ahaayeen kaabayaashii aasaasigii ahaa ee ay dumarku kaga soo qayb qaateen kaabida iyo kobcinta dhaqaalaha soomaaliland sababtoo ah markii ugu horaysay waxay dumarku ka bilaabeen in ay kor ugu soo qaadaan nolosha qoysaskooda ganacsiyo yaryar sida caanaha, dhuxusha, hilibka, dilaalnimada iyo iibinta hadhuudhka firilayda ah taasi oo aan run ahaantii la hilaami karin doorkii ay ku lahaayeen kor uqaadista dhaqaalaha dalka.

Sanadahan danbe waxaa jamhuuriyadda soomaaliland ka dhacay abaaro ba’an oo dad iyo xoolaba saameeyey taasi oo sababtay in ay yaraadaan xadigii caanaha ahaa ee soo gali jiray dalka taasina waxay saamaysay in dumar badan oo caanaha ka ganacsan jiray uu dhaqaalahoodu hoos u dhaco iyaga oo dumarkaasi aan meelna ka helin wax kab dhaqaale ah ha noqoto dawlada ama ururadda aan dawliga ahayn labadaba, isla sidoo kalana bulshadii caanaha iibsan jirtay ay qaali ku noqdeen caanuhu sidoo kalena bulshada intii danyarta ahaydna ay iibsan kari weyday caanihii iyagoo baahi weyn u qaba.

Bahwaynta dumarka ee caanaha iibiyaa waxay ku midoobeen ururka la yidhaahdo barwaaqo kaasi oo dumarka ka caawiya hawlo badan oo u dan ah dumarka caanaha iibiya, ururka caanaha waxaa la aasaaasay sanadkan 2016 waxana laga aasaasay suuqa gobanimo meeshaas oo ah halka badiba caanaha magaaladu ay ku soo degaan ururka barwaaqo waxa uu ku soo kordhiyey iskaashatada caanalayda korna uqaaday ama sameeyey horumar la taaban karo taasi oo waxweyn ka taray inay isku duubnaadaan dumarka caanaha iibiya isna caawiyaan oo is gargaaraan .

Hadaba waxa jira caqabado badan oo horyaala dumarka ka ganacsada caanaha kuwaasi oo ay ugu horayso marka ay abaaruhu dhacaan waxaa dumarka ka kala luma macmiishii ay hore u lahaayeen, sidoo kalana marka ay barwaaqadu jirto ee caanuhu badan yihiin waxaa badiba dhacda in laga iibsan waayo isla markaana ay waayaan meelo ay ku kaydiyaan caanaha taasina waxay sababtaa in ay ku khasaaraan oo ay caanuhu halkaa kaga xumaadaan. Dhanka kale dumarkaasi caanaha iibiyaa wax kab ah kama helaan dawlada taasi oo maalinkasta ka qaada cashuur dumarka caanalayda ah taasi oo sababta in ay dumar badani suuqa ka baxaan marka ay waayaan kab ama taakulayn dawlada ah halkaana ay qoysas badani ku waayaan quutal daruuriga ay ku noolaan lahaayeen.
Sidoo kalana waxa dumarkaa caqabad ku noqday maalmahan danbe rag duleedka magaalada ku haysta geel kuwaasi oo caanaha magaalada soo galiya isla markaana macaamiishii dumarkaa danyarta ah wax ka iibsan jiray ay halkaa ka iibsadaan sabobo badan awgeed.

Hadii aynu u jeedsano weelka caanaha lagu keeno ama lagu iibiyo maaha weelkii munaasibka ku ahaa in caano lagu iibiyo caanaha wakhti xaadirkan waxa lagu keenaa caagado kuwaasi oo aan nadaafad ahaan wanaagsanayn waayo maaha weel guntiisa la gaadhayo oo la nadiifin karo taasina waxay sababi kartaa xanuuno hor leh oo laga qaado weelkaa aan nadiifta ahayn ee lagu soo shubayo caanaha dalkeena soo gala halka wakhtiyadii hore lagu keeni jiray weel caafimaad ahaan wanaagsan oo jaandi ahaa and haamihii caanaha ee la culi jiray.
Hadaba waxa looga baahan yahay in bulshada reer soomaaliland shicib iyo dawladba ay gacmaha is qabsadaan oo dadkeenaa danyarta ah ee awood u waayay inay iibsadaan weelkaa nadiifta ah in laga badalo caagadaha loona badalo weel caafimaad qaba si aynu u noqono bulsho caafimaad keedu wanaagsan yahay.

Guntii iyo gabo gabadii maqaalkan waxaan ku soo koobayaa xoolaha nool ee jamhuuriyaddan soomaaliland waa lafdhabarta dhaqaalaha dalkan hadaba hadii aan la ilaalin xoolaha iyo daaqooda lama helayo caano nadiifa oo aynu ku korsano ubadkeena sidaa awgeed waxa bulshada reer soomaaliland ku waajiba in aynu ilaalino dhirta, daaqa iyo xoolaha noolba.

Diyaarintii: Xamda Yusuf Adem