US: Ninkii weerarka ka geystay garoonka diyaaradaha Fort Lauderdale oo sheegay in maskaxdiisa la afduubtay

0
339

Booliska gobolka Florida ee dalkaasi Mareykanka ayaa su’aalo wydiiyey nin looga shakisanyahay inuu ahaa ninkii dableyda ahaa ee shanta qof ku dilay sideedda kalena ku dhaawacay madaarka Fort Lauderdale.

Eedaysanahan oo boolisku magaciisa ku sheegeen Esteban Santiago oo lix iyo labaatan jir ah, wuxu ahaan jiray askari Maraykan ah oo ka soo dagaalamay Ciraaq. Saraakiishu waxay sheegeen in aanay meesha ka saarayn in waxa falkan ninka ku dhaliyey noqon karto argagixisonimo.

Warbaahinta Maraykanka ayaa sheegtay in ay suurto gal tahay in ninku aanu maskax ahaan fayoobayn. Wararku waxay intaa raaciyeen in uu sheegay in dawladdu maskaxda ka haysato oo ay ku dirqido inuu daawado video-yada ay internet-ka ku baahiyaan kooxaha jihaad alooska ahi.Warbaahinta Maraykanku waxa kale oo ay ku warantay in shaqadii uu ka hayay xerada ciidanka ee Alaska National Guard looga eryay in uu waajibaadkiisii sidoodii uga soo bixi waayay awgeed. Hase yeeshee nin ay walaalo yihiin ayaa isna sheegay in Esteban Santiago muddoba laga dawaynayey cudurrada maskaxda.