“Waa In Talaabo Laga Qaadaa Cidda Bixisay Amarkii (Lagu Dilay) Wiilkii 11 Jirka Ahaa, Haddii Kale..” Suldaanka Guud Ee Subeer Awal

0
809

“Waa In Talaabo Laga Qaadaa Cidda Bixisay Amarkii (Lagu Dilay) Wiilkii 11 Jirka Ahaa, Haddii Kale..” Suldaanka Guud Ee Subeer Awal

Hargeysa(warsugannews) – Suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal, Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi ayaa xukuumadda ugu baaqey in sharciga la horkeenno ciddii bixisay amar uu sheegay in lagu dilay wiil 11 jir ahaa oo horaantii bishan ku dhintay rasaas ciidamada boolisku ku rideen qoys daggan xaafadda Jigjiga yar ee Magaalada Hargeysa.

Suldaanka Xasan Suldaan Cabdillaahi oo Maanta shir-jaraa’id ku qabtey Hargeysa ayaa sheegay in aan la aqbali karin in ilaa hadda xukuumaddu aanay cidna u xidhin dilka wiilkaasi yar oo Alle ha u naxariistii uu dhalay muwaadin lagu Magacaabo Axmed Jabbaan oo ka mid ahaa Mujaahidiintii SNM, sidaa daraadeedna ay xukuumadda uga fadhiyaan in talaabo laga qaado dadka uu sheegay inay bixiyeen amarka ciidamadu u rideen rasaasta dishay wiilkaasi, isla-markaana dhaawacday xubno kale oo ka mid ah qoyska wiilku ka geeriyooday.

Suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa yidhi “Waxa baryahan dalka ku soo noqnoqonayey fadeexad amni oo cadiima oo aan Qarankan hore uga dhicin, waa (dilkii) wiilkii ina Axmed Jabbaan iyo mid saldhig lagu dhex toogtaba waa Awlaaddii beerkeenna ahayd oo dhafoorka laga tooganayo iyaga oo aan hobeysnayn, qadiyaddaasi waxay ka dhacday oo ku suntan xukuumaddan talada haysa..”

Suldaanka guud oo sii hadlaya ayaa sheegay in dhimashada wiilkii 11 jirka ahaa aanay ilaa hadda xukuumaddu cidna u qabanin “Waxaanu cod dheer ku leenahay ma aqbalayno oo ma yeelanayo haddii aan talaabadii ku haboonayd laga qaadin qadiyadda ilmihii yaraa ee 11 jirka ahaa oo ilaa maanta cid u xidhani aanay jirin…”ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey oo uu ka digay in kacdoonno ka dhashaan haddaan xukuumaddu talaabo ka qaadin cidda lagu tuhmayo inay bixisay amarka ciidamada ammaanku ku rideen rasaasta dishay wiilka yar “Waxaasi waxay la mid yihiin waxyaabaha ay dadka adduunyadu ka kacaan (ka Mudaharaadaan)…”

Suldaan Xasan uu xukuumadda u soo jeediyay “illaa maanta ma hayno kuwii arrintani fadhiday oo ka hadlay, hadday tahay Wasiirka arrimaha gudaha, hadday tahay jananka booliska, markaa waxaanu leenahay waa in sharciga la hor-keenaa ciddii bixisay amarka (Lagu dilay wiilkii 11 jirka ahaa), hadduu wasiir yahay iyo hadduu taliyaha booliska yahay oo talaabada ugu haboon laga qaadaa, taasi ayaanu ugu fadhinaa (Xukuumadda)…waayo in badan baanu ka aamusnayn, laakiin markii aanu waynay cid arrinkaa u maqan ayaanu ka hadalley…”ayuu yidhi, Suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal oo sidoo kale Golaha wakiillada ku bogaadiyey go’aanka ay ku laaleen heshiiskii xukuumaddu ku doonaysay inay shirkado gaar loo leeyahay ugu wareejiso Maamulka haamaha Shidaalka ee Berbera.

warsugannews
warsuganmedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here