Waddamada xubnaha ka ah Urrurka OPEC

0
730

Waddamada xubnaha ka ah Urrurka OPEC
Urrurkan waxa ku midoobay wadamadda dhoofiya shidaalka waxana lagu aas-aasay magalada baqdaad ee caasamida waddanka ciraaq sannadku markuu ahaa 1960-kii. Wadamada xubanaha ka noqday xiligaas waxay ahaayeen shan waddan oo kala ah Iran, Iraq, Suadi Arabia, Kuwait, Venezuela. Urrurkani wuxu ka hada xubno ka ah 13 waddan waana sidan hoos ku qoran.
1. Iraq waxay kamid noqotay sannadii 1960-kii
2. Iran waxay kamid noqotay sannadii 1960-kii
3. Kuwait waxay kamid noqotay sannadii 1960-kii
4. Saudi Arabia waxay kamid noqotay sannadii 1960-kii
5. Venezuela waxay kamid noqotay sannadii 1960-kii
6. Qatar waxay kamid noqotay sannadii 1961-kii
7. Indonesia waxay kamid noqotay sannadii 1962-kii
8. Libya waxay kamid noqotay sannadii 1962-kii
9. United Arab Emirates waxay kamid noqotay sannadii 1967-kii
10. Algeria waxay kamid noqotay sannadii 1969-kii
11. Nigeria waxay kamid noqotay sannadii 1971-kii
12. Ecuador waxay kamid noqotay sannadii 1973-kii
13. Gabon waxay kamid noqotay sannadii 1975-kii
14. Angola waxay kamid noqotay sannadii 2007-kii

Waddamada afrika ugu waxsoo-saarka badan saliida
Waxajira qaaradan aynu ku noolnahay ee Africa waddamo ka tirsan oo batroolka soo-saara una dhoofiya caalamka intiisa kale. Waxaynu qormadan kusoo qaadan doona tobanka waddan ee ugu waxsoo-saarida badan Africa dhanka batroolka waana sidan.
1. Nigeria: waa waddanka ugu wax soosaarka badan saliida qaarada Africa
2. Algeria: waa waddanka labaad ee ugu wax soosaarka badan saliida qaarada Africa
3. Angola: waa wadanka sadexaad ee ugu wax soosaarka badan saliida qaarada Africa
4. Liibiya: waa waddanka afaraad ee ugu wax soosarka badan saliida qaarada Africa
5. Masar: waa waddanka shanaad ee ugu waxsoo saarka badan saliida qaarada Africa
6. Sudan: waa wadanka lixaad ee ugu wax soosaarka badan saliida qaarada Africa
7. Equatorial Guinea: waa waddanka todobaad ee ugu wax soosarka badan saliida qaarada Africa
8. Jamhuuriyada Congo: waa wadanka sidedaad ee ugu wax soosarka badan saliida qaarada Africa
9. Gabon: waa wadanka sagalaad ee ugu wax soosarka badan saliida qaarada Africa
10. South Africa: waa wadaka tobnaad ee ugu wax soosarka badan saliida qaarada Africa

Tixraac: www.opec.org https://en.wikipedia.org
Tarabbi Aadan Tarabbi
MBA Banking and Finance (KIU, Uganada)
Email: tarabbi02@gmail.com
Hargeisa Somaliland