Tacsi Guddoomiyaha iyo hoggaanka KULMIYE‏

0
332

XISBIGA MIDNIMADA & HORUMARINTA SOMALILANS

(KULMIYE) Date: 21/02/2016

Ujeeddo: Tacsi

Hargeysa(Warsugannews)Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo xubnaha kale ee hoggaanka xisbiga oo ka wakiil ah Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbigu waxay tasi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, asxaabta, golaha deegaanka magaalada Burco iyo guud ahaanba shacabka reer Somaliland geerida ku timi Marxuum xildhibaan Maxamed Axmed Maxamuud Diingool oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa maanta (21/02/2016).

Marxuum Maxamed Axmed Maxamuud oo ka mid ahaa xildhibaannada golaha deegaanka degmada Burco, waxa uu door muhiim ah oo odaytinimo ka soo qaatay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray dalka Somaliland, si gaar ah waxa uu ka mid ahaa waxgaradkii ka shaqeeyey nabadaynta iyo heshiisiintii beelaha Somaliland.

Masuuliyiinta xisbiga KULMIYE waxay Alle uga baryayaan Marxuumka inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, golaha deegaanka Burco iyo guud ahaan shacabkana uu samir iyo iimaan ka wada siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE