War degdeg ah Musharax u taagnaa Jagada Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga kulmiye oo ka noqday Musharaxnimadiisi

0
355

MAREEYAHA GUUD WAKALADD HORMARINTA WADOOYINKA SOMALILAND OO MUSHARAX MADAXWEYNE KU XIGEENKA XISBIGA KULMIYE AYAA GO’AANSADAY INUU DIB U DHIGTO HANKIISA SIYAASADEED.

War-saxafadeed.

Hargeisa (Warsuagnnews) Mareeyaha guud Wakaladda Hormarinta Wadooyinka Somaliland Prof.Hassan Ali Osman wuxu bulshada u cadaynayaaa marku arkay hawlaha balaadhan ee aan masuul uga ahay ummadd ee dhinaca wadooyinka uu gartay inuu dib u dhigta hankiis musharaxnimo ee tartanka madaxweyne ku xigeenka xisbiga kulmiye isagoo eegaya danta qaranka ee u baahan dadaal iyo daacnimo.

Mareeyahu waa masuulki u horayey ee lahaan bilaabada wadooyinka iyagoo lala kaashanayo bulshada waa masuul ku suntan dacadnimo karti dadaal dheer hami fog oo doonayo inuu dalka ka hormariyo dhinaca wadooyinka oo baahi u qabo isku xidhkooda oo wax badana u sahalaya isu socodka bulshada dhinaca dhaqaalaha amaan maalgalinta dalka.

Mareeyaha Wakaladda Hormarinta Wadooyinka Somaliland” Waxan mar labaad u cadaynayaa bulshada Somaliland gudaha iyo dibeda inaan cidna u tanaasulin ee hankaygii sidi yahay markaan arka duurufta taala dalka aan go’aansaday inay ula noqotay inaan hakiyo tartanka musharax madaxweyn ku xigeen oo aniga iga yimid go’aanku markii hore cidna dabada iga wadin.

Waxan maqlay in baraha ay bulshada ku xiidhiidho la soo dhigay inaan cid uga tanaasulay waxan leeyaha wax alaale wax ka jira ma jiro arinta iyad ah hankaygii ayaan dib u dhigtay iyado aan eegayo danta umadda Somaliland ee rabta inan si dacadnimo ah ug sii adeego shaqada lay igmada.

Waa bilaahi tawfiiqa Prof. Hassan Ali Osman Mareeyaha Wakaladda Hormarinta wadooyinka Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here