Wasaaradda Caafimaadka Oo Xaqiijisay Xannuun Lagu Arkay Gobolka Togdheer, Tallooyina Bulshada U Jeedisay

0
476

Wasaaradda Caafimaadka Oo Xaqiijisay Xannuun Lagu Arkay Gobolka Togdheer, Tallooyina Bulshada U Jeedisay

Burco(Warsugan) Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ayaa sheegtay in gobolka Togdheer lagu arkay xanuun loo bixiyay kuududiye oo dadka kaga dhacaya laabatooyinka jidhka. Wasaaradda ayaa sheegtay inay hawl gal ka sameysay, islamarkaana kooxo xaqiiqo raadis ah u kala dirtay meelaha lagu arkay xanuunkan.

Yuusuf Dirir Cali, agaasimaha wasaaradda Caafimaadka ee gobolka Togdheer, ayaa sidan u sharaxay cudurka lagu arkay degaannadaasi “Wuu jiraa xannuunkaasi, waa mid sahlan oo uu keeno fayras. Dadka waxaa ku dhacaya xumad, waxaa ku dhacaya muruqyo xannuun, waxaa ku dhacaya Xubno xanuun, markaa xubnaha xannuunaya darteed ayay ugu magac dareen Kuududiye,” ayuu yidhi Mudane Yuusuf Dirir.

“Waxaanu u dirnay kooxo isugu jira dhakhaartiir, kalkaaliyeyaal caafimaad, qolyaha shaybaadhka iyo kooxaha wacyi galinta, markaa waxay soo arkeen bukaanno badan. Xilligaas waxaa socday dacaayad ah ‘qofka dhakhtarka taga ee dawo qaata wuu dhimanaya’ laakiin, dadku wacyi galintii bay si fiican u qaateen, markaa cid u dhimatay ma jirto, wax cawaaqib xumo ah ama curyaannimo uu qofka kaga tagayaana ma jirto,” ayuu yidhi Dr Yuusuf.

“Dadka xannuunkaasi ku dhaco ee isku arka calaamadihiisa; sida xumadda, muruqyo xannuunka, lafo xannuunka iyo xubno xannuunka, waxaanu kula talinaynaa inay tagaan rugta caafimaad ee ugu dhaw,” ayuu yidhi Dr Yuusuf oo intaasi raaciyay “Qofka xannuunkan isku arka; waa inuu cabbo biyo badan iyo sharaab badan. Waxa kale oo uu qaadanayaa kiniinka baraasitimoolka oo uu xumadda ku jabiyo, waxaana looga digayaa kiniinka Asbiriinka ama dawooyin kale,” ayuu yidhi Isu duwe Yuusuf.

Xigasho Wargeyska Warsugan
warsugan15@gmail.com
warsuganmedia@gmail.com
Hargeysa/Somaliland/Office