Wasiir Caddaani Oo Sheegay Inaanu Hoggaamiye Xirsi Lahayn Guusha Dhismaha Jidka Ceerigaabo iyo Jawaabta Xirsi Ka Bixiyay

0
481

Wasiir Caddaani Oo Sheegay Inaanu Hoggaamiye Xirsi Lahayn Guusha Dhismaha Jidka Ceerigaabo iyo Jawaabta Xirsi Ka Bixiyay
Hargeysa(Warsugan) Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa dhawaan Madal fagaare siyaasadeed ah ka sheegay inuu ahaa shakhsigii hirgeliyey himiladii Madaxweynaha ee Jidka Ceerigaabo Mudadii uu Wasiirka Madaxtooyadda ahaa, waxaana arrintaasi daadafeeyey Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani oo isagu sheegay in golaha wasiiradu yihiin diranayaal uu igmaday madaxweyne Siilaanyo.

Wasiir Caddaani oo shalay afka xukumadda ku hadlayay ayaa hoggaamiye Xirsi ku sifeeyay nin is faanshay “ Saaxiibkay Xirsi waxaan odhan lahaa ‘Nin is faanshay waa Ri is nuugtay’ qoladayada wasiirrada ahi, waxaanu ahayn kaaliyeyaasha iyo gacanta midig ee qorsheyaasha iyo himilada madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. wax walba waxay ku shaqeeyaan qorshihiisa, amarkiisa iyo himilada uu keeno,” ayuu yidhi mudane Caddaani.

Waxa uu sheegay in madaxweyne Siilaanyo cindiga ku hayay dhismaha jidka Ceerigaabo ilaa xilligii dawladdii Siyaad Barre oo uu wasiirka qorshaynta ahaa “Waddada Ceerigaabo Xirsi oo aan saaxadda ku jirin ayuu madaxweyne Siilaanyo maskaxda ku hayay. Xilligii Siyaad Barre ayuu dhismaheeda soo jeediyay wuxuuna sheegay in markii qorshaheeda la dhammeeyay uun waddadii noqotay ta isku xidha Boosaaso iyo Garoowe oo xaggaas uun loo bedelay. Xilligaa madaxweynuhu maskaxda ku hayay waddada Ceerigaabo, Xirsi inuu talo ka ogaa daaya u malayn maayo inuu jiray,” ayuu yidhi mudane Caddaani.

Dhinaca kalena waxa uu sheegay in musharraxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, iyo saaxiibadiisa la xisbiga ahi neceb yihiin askarta. Waxa uu sheegay inaan la fahmayn sababta ay ugu ololaynayaan nacayb ka dhan ah askarta, balse loo baahan yahay in askarta loo muujiyo jacayl iyo in niyad samaantooda kor loo qaado oo qiimahooda la muujiyo.
Hase ahaatee, Xirsi Cali Xaaji Xasan hoggaamiyaha xisbiga Waddani horena u ahaa Wasiirkii Madaxtooyadda ayaa warbaahintu waydiisay waxa uu kaga jawaabayo dhankiisa hadalada uga yimi Wasiir Caddaani waxa uu yidhi “Hadii Wasiir Cadaani ka jawaabay oo shalay ila shaqaynayey waa nasiib wanaag, isagaa makhraati iiga ahaa laakiin, haddii isagu ka jawaabay oo ila socday oo Ceerigaabo ila tegay, Maraykanka iyo Canada ila tagay, ila shaqaynayey ee gacan yaraha iiga ahaa ee ka dul ooyayey nin kaloo aan war haynbaan odhan lahaa waa war la’ayahaye.”

Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan wuxu makhraati geliyey bulshada Somaliland oo uu sheegay inay marag ka yihiin inuu ahaa masuulkii hirgeliyey dhismaha wadada ceerigaabo sidoo kalena aanu marnaba dafirayn himiladii iyo hindisihii Madaxweynaha qaranka “Dadka reer Somaliland baa marag ah, qof is maqashiin maayo, bulshada reer somaliland baa ka marag ah, Xakamku waa bulshada, Waddada Ceerigaabo waxaan ahaa qofkii hirgeliyey cid igula murmi kartaana ma jirto, Madaxweynuhu inuu hindisay oo maskaxda ku hayey oo uu Barnaamijka ku qoray oo uu leeyahay Ammaanteeda iyo Libinteeda leeyahayna markaan hadlayeyna hore uma dafirin imikana dafiri maayo, waligayna dafirimaayo, Madaxweynihii wax qabtay buu ahaa anigu waxaan qabanayey kii ii diray buu ahaa, anigaa se fuliyey Caddaani waa Wasiirka Warfaafintee wuxuu ku faano ha fuliyo,” ayuu yidhi mudane Xirsi
Hoggaamiye Xirsi oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Wasiir waliba Wasaaradda uu joogo wax uu ku faano ha fuliyo. Madaxweynuhu wuxuu leeyahay libteeda wasiirkii fuliyeyna libteeduu leeyahayoo wuu la leeyahay , Anaan Madaxweynahaygii dafirsanayn marnaba dafirayn xaasha oo ahaa Madaxweynihii qaranka himiladan lahaa ana kii hirgeliyey baan ahaa, haduu dafiro Caddaani bulshadaanu isula tagidoonaayoo waa waxa Ceerigaabo kaa soo raaca.”

Mudanahan oo la waydiiyey in isaga iyo xisbigiisuba Askarta necebyihiin ayaa sheegay in su’aashaasi la waydiinayo Askarta isaguna uu ahaa masuul mudadii uu xilka hayey ka shaqeynayey horumarinta Askarta iyo derjo bixintoodiiba waxanu yidhi “Askarta reer Somaliland baa la waydiinayayoo haday ahayd derajadii haday ahayd shaqadii, haday ahayd mushaharkii waxaan ahaa ninkii ka shaqaynayey ee kala shaqaynayey Askarta Somaliland waxaa soo waydiisaa oo aad soo eegtaa inaanu la col ahay iyo inaan ka dhiirigeliya ahay, anigoo mucaaridana waan ka hadlayey askarta iyo ilaalinteeda horumarinteeda anigoo wasiira oo ka shaqaynaya waan ka shaqayn jiray, markaa Askarta kala saaroo waxaan filayaa Muuse iyo Maxamed Kaahin buu u jeedaa , Muuse iyo Maxamed Kaahin ma nebci laakiin se waa loolamaynaa waxaan u arkaa inaanay hogaankii dalka sax ku ahayn.”

Su’aal ku saabsanyd xilkiisa hogaamiye ee uu Xisbiga Waddani ka hayo oo cadaani sheegay inaanu garanayn ayaa waxa uu Xirsi Cali Xaaji kaga jawaabay “Xisbigaad joogto ka hadal kan aan joogo anigaa ka hogaamiye ka ah , Bosiishanku qofka ma sameeyo qofkaa boosiishanka macno u yeela hadaan boosiishanka markaan tago qaar cusub la abuuro aan macno u yeelo uu macno yeesho anigay sharaftayda tahay , Booshiishaninskii aan tegayna iyadoo macno leh baan ka tegay oo loo tartamayo kana berito waxaan rajaynayaa inuu noqon doono meel dadka reer somaliland u tartamoo xisbiyadu ay ku daydaan dhaqan cusub oo ay qataan noqdo Cirro na wuu ku mahadsan yahay inuu soo saaray.”
Xigasho Wargeyska Warsugan
Warsugan15@gmail.com
warsuganmedia@gmail.com
Hargeysa/Somaliland/Office