Wasiir Ku Xigeenka Qorshaynta Oo Ka Jawaabay Warar La Xidhiidhiyey Inuu Ka Soo Hor Jeedo Qaranimada Somaliland Iyo Siduu U Arko Xilka Loo Dhiibay sheegayna in uu maxkamad la tiigsan wargeyska Foore

0
492

Wasiir Ku Xigeenka Qorshaynta Oo Ka Jawaabay Warar La Xidhiidhiyey Inuu Ka Soo Hor Jeedo Qaranimada Somaliland Iyo Siduu U Arko Xilka Loo Dhiibay sheegayna in uu maxkamad la tiigsan wargeyska Foore.

Hargeysa(warsugannews):-Wasiir ku xigeenka cusub ee wasaarada qorshaynta qaranka somaliland Cabdi Wadaad ayaa ka hadlay dareenkiisa la xidhiidha xilka loo magacaabay.

Sidoo kale wasiir ku xigeenka cusub ee wasaarada qorshayntu waxa uu ka hadlay warar laga baahiyey oo la xidhiidha inuu aaminsan yahay mabda Somali weyn isla markaana ka soo hor jeeda qaranimada somaliland, waxaanu wararkaasi ku tilmaamay kuwo aanay waxba ka jirin cidii baahisayna looga fadhiyo cadaynteeda.

Ugu horayn Cabdi Wadaad oo ka hadlaya xilka cusub ee loo magacaabay ayaa waxa uu yidhi “Xilka la ii magacaabay marka hore madaxweynaha JSL waa mid aan ugu mahad naqayo, mar labaad dareenkaygu arrintaas aad buu ugu faraxsan yahay” ayuu u sheegay wargeyska Hubaal.

Wasiir Cabdi Wadaad oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Anigu waxa aan ka mid ahaa dadkii qarannimada Somaliland u soo halgamay shirarkii nabadaynta beelaha Somalilandna door shariif ah ayaan ku lahaa, intaa ka dib muddadii ay Somaliland jirtay xilal kala duwan baan xukuumadihii kala dembeeyey kasoo qabtay oo muddo toddoba sannadood ilaa sideed sannadood ah baan wasiir ku xigeen ka ahaa xukuumadii Marxuum Cigaal iyo Xukuumaddii Rayaalle, intaasna waxaan joogay wasaaraddaas ganacsiga rag dhan oo wasaaradda soo marayna waan lasoo shaqeeyey oo illaa toddoba wasiir baa igu soo maray wasaaradda ganacsiga mudadaas aan xilka hayay . Haddii aan u soo noqdo tan [xilkan] immika la ii magacaabay kolley nin garanaya ayaan ahay waajibaadka iga saaran, doorka igala gudboon ayaanan qabsan doonaa dedaalkaygana waxba kala hadhi maayo kana hagran maayo wixii igala gudboon. Waxaanan fulin doonaa mabaadii’da xukuumaddan magacaabistaydu ku cusub tahay”.

Sidoo kale wasiir ku xigeenka qorshaynta oo ka hadlaya wararka laga baahiyey ayaa waxa uu yidhi “Waxaan kale oo aan doonayaa inaan ka hadlo war aniga igu lidi ah oo saaka ay jariiradi iga qortay iyaga oo odhana ninkaasi wasiir ku xigeenka loo magacaabay ma aaminsana qaddiyada Somaliland, aad iyo aad baan arrintaas uga xumahay, waxaanan u sheegayaa shacbi weynaha Somaliland in aanay jirin meel aan kaga hor imi mabaadiida jiritaanka iyo qaranimada Somaliland. Bulshada reer Somaliland-na in badan oo I taqaanna ayaa jirta oo isma faaninayee waxaan ka mid ah dadkii u soo dagaalamay jiritaanka iyo qarannimada Somaliland, dhuuxayga iyo dhiigaygana qaddiyada Somaliland way raacsan tahay” sidaa ayuu yidhi Wasiir ku xigeenka wasaaradda qorsheynta qaranku Muj. Cabdi Wadaad, waxaanu intaa ku daray isaga oo faahfaahinaya warka laga qoray “Innamadaas warka iga qoray aniga wax imay waydiin cid kalena waxba may waydiinin ee waxa kaliya ay eed ka dhiganayaan Cabdi Wadaad Xamar buu tegey. Run ahaan Xamar waxa ay la mid ahay magaalooyinka kale ee wadammada jaarkeena waxaaanan aaminsanahay in Xamar ay la mid tahay Jabbuuti ama Addis Ababa. Anigu ma dafirayo oo Xamar waan tegey laakiin su’aashu waxa ay tahay goorma ayaan tegey, maxaase aan ka doonay.”

Ugu danbayntiina waxa uu ka hadlay safar u ku tagay wadanka somaliya waxaanu yidhi isaga oo ka hadlaya “Anigu dan shakhsi ah oo ii gaar ah ayaan halkaas u tegey anigoo shakhsi ah oo aan xilna haynin xeelad kalena aan wadin. Muddo koobanna waan ku maqnaa halkaas oo aan muraadkayga ka soo fushanay. Waxaanse leeyahay jariiradda warkaas aniga iga qortay waxa ay iga gashay fal dembiyeed shakhsi ah iyo sumcad dilis iyo weliba been abuur. Iyaga ayaa looga fadhiyaa in ay sharciga hortiisa ka sheegaan halka aan mabda’ kale ku yeeshay iyo halka aan Somaliland kaga soo hor jeestay, iyada oo aanay haba yaraatee jirinba meel warkoodaasi ku arooro.”

Warsugannews
Hargeysa/Office
Somaliland
warsuganmedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here