Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Oo Sheegay In Somaliland Faraha Ka Laabatay Xal u Helista Mushkiladaha Somalia

0
297

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Oo Sheegay In Somaliland Faraha Ka Laabatay Xal u Helista Mushkiladaha Somalia

Hargeys(Warsugannews)Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen(Odowaa), wasiirka arrimaha gudaha iyo federalka Somalia ayaa rumaysan in bulshada Somaliland faraha ka laabatay inay wax ka qabato mushkiladaha ka taagan gudaha Somalia ee ammaan darada iyo baahidu ka mid tahay. Waxa uu sheegay in dhinacooda uu ka furan yahay sii wadista wada hadalladii Somaliland iyo Somalia u socday dhawrkii sanno ee la soo dhaafay.

Wasiir Odowaa oo Muqdisho ugu waramayay Suxufi Maxamed Boosh oo ka tirsan telefishanka Horn Cable, wuxuu sheegay in loo baahan yahay in wada hadal lagu dhammeeyo kala taga ama wada jooga Somaliland iyo Somalia “Haddii la wada joogayo iyo haddii la kala tagayo waa inay ku timaado miiska(Wada hadal). Qolana inay tidhaa illawba illaw waad joogaysaan, qolada kalana tidhaa waanu tagnay ee waxaad rabtaan sameeya kuma ahaanayno laba dal ama kuma ahaanayno laba dal,” ayuu yidhi wasiir Odowaa.
Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay indiciifnimada iyo tamar la’aanta Somalia haysata ay qayb ka tahay aayo ka tashiga Somaliland “Dadkani waa dad wada dhashay, waa dad ehel ah, waa dad isku xidhan; anagu waxaanu aaminsanahay ka maqnaanshaha Somaliland ee nidaamka hadda Somalia ka jira wuxuu qayb ka yahay diciifnimada iyo tamar darrada ka jirta Somalia, qayb muhiim ah ayay ka tahay,” ayuu yidhi wasiirka arrimaha gudaha Somalia.

Geesta kale wuxuu ku dooday in Somaliland indhaha ka qarsatay dhibaatooyinka ka jira Somalia, isagoo ku dooday in dhibaatadii Somaliland nidaamkii Siyaad Barre u gaystay nacayb galisay “ Waxaad moodaa in Jugtii ka tan badisay lafo gurkii iyo taxliilkii laga rabay reer Somaliland inay sameeyaan oo ah waar dadkani waa dadkiinii hadday baahan yihiin, hadday bakhtiyayaan, haddii dhib ka jiraba dadkiinii baa halkan jooga. Tabarucii ama ka qayb qaadashadii looga baahnaa Somaliland in laga helay uma haysto laakiin, wada hadalkaasi wuu furan yahay, albaab weyn baa ka furan,” ayuu yidhi Mr Odowaa.

Hadalka wasiirkan xukumadda Muqdisho ka tirsan ayaa imanaya iyadoon bulshada Somaliland garowshiiyo ka helin xukumaddihii u kala dambeeyay Somalia, islamarkaana ay dafirsan yihiin dhibaatadii bulshada Somaliland uu u gaystay nidaamkii Siyaad Barre. Madaxda Somalia isaga dambeysay ayaa inta badan xasuuqii bulshada Somaliland u dhiga inuu la mid yahay dagaalladii sokeeye ee Somalia ka dhacay, islamarkaana ay midnimo raadinayaan, arrintaasi oo sii fogaysa dareenka bulshada Somaliland ee Somalia ku aaddan.

Sidoo kalena wada hadallo labada dhinac u socday dhawr sanno oo ilaa 8 jeer la isugu yimid ayaa muujiyay kala fogaanshaha labada dhinac kadib markii waxba ka socon waayeen arrimihii laga wada hadlay oo isu socodka iyo isu soo dhaweynta labada bulsho ku saabsanaa, halka lagu dhici waayay in arrimaha mustaqbalka siyaasiga ah lagu dhiirado, aakhirkiina wada hadalladu u burbureen.

Xigasho Wargeyska Warsugan