“Shirkad Somaliland iyo Imaaraadku Wada Leeyahay Baa Maamulaysa Dekedda, Shaqaalaha iyo Cashuuraha Waxba Lagama Bedelayo,” Guddoomiye Cirro

0
367

“Shirkad Somaliland iyo Imaaraadku Wada Leeyahay Baa Maamulaysa Dekedda, Shaqaalaha iyo Cashuuraha Waxba Lagama Bedelayo,” Guddoomiye Cirro

Hargeysa(Warsugan) Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa tilmaamay in heshiiska maalgashi ee dekedda Berbera ay ku jiraan mashaariic muhiim ah oo ka baxsan horumarinta dekedda Berbera kuwaasi oo kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada wax ka taraya.
Golaha wakiillada ayaa si aqlabiyad ah shalay u ansixiyay heshiiska shirkadda Imaaraadka ah ee DP World iyo Somaliland hordhaca u wada gaadheen ee lagu maalgalinayo dekedda Berbera.Ansixinta ayaa muujinaysa sida muxaafad iyo mucaaradba heshiiskaasi loo aqbalay maadaama mudaneyaasha xisbiga Waddani iyo guddoomiyaha xisbigaasi muujiyeen siday ugu qanacsan yihiin heshiiska.Xisbiga Ucid ayaa hore heshiiska u taageeray, wuxuuna guddoome Faysal Cali Waraabe ku tilmaamay mid horumar weyn keenaya.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo shalay markii heshiisku ansaxay la waydiiyay nooca heshiis ayaa tilmaamay in saddex warqadood oo heshiisku kula qoran yahay goluhu ansixiyay, kuwaasi oo ah heshiiska hor dhaca ah ee la kala saxeexday “Saddex dhukumenti ayaa golaha la keenay; mid waa heshiis is fahan, ka labaadna waa heshiiska saamileyda dekedda, ka saddexaadna waa heshiiska kiraynta ama siinta isticmaalka dekedda,” ayuu yidhi guddoomiyaha wakiillada iyo Waddani.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in heshiisku yahay mid hor dhac ah oo ay isla gaadheen xukumadda Somaliland iyo shirkadda Imaaraadku “Heshiiskii rasmiga ahaa maaha ama maaha heshiiskii u dambeeyay(lama dhammaystirin heshiiska) wasiiraduna waa sheegeen, gole waynahana waanu ugu celinay, markaa heshiiska rasmiga ah xukumadda ayaa laga sugayaa, kanina heshiis hordhac ah ayuu ahaa,” ayuu yidhi guddoomiye Cirro.

Guddoomiyaha oo BBC-da u waramayay waxaa la waydiiyay qodobada waxqabad ee heshiiskani taabanayo “Wuxuu qorayaa in maalgashi dekedda la galiyo, in la hirgaliyo mashaariic kale oo maalgalinta dekedda la socda oo uu ka mid yahay Berbera Coridor( Dhisidda Jidka Berbera iyo Wajaale isku xidha), oo ay ka mid yihiin Laydh tiriigga(Laydhka), oo ay ka mid yihiin Beeruhu oo ay ka mid yihiin hudheel 4star ah( Hotel dalxiis oo heer sare ah), qodobadaas iyo kuwa kaleba waa ku jiraan heshiiska,” ayuu yidhi guddoomiyuhu.

Guddoomiye Cirro wuxuu sidoo kale sharaxay qodobka sheegaya saamiga ay kala qaadanayaan xukumadda Somaliland iyo shirkadda DP “ Horta waxaa la abuurayaa shirkad la wada leeyahay. Dekedda maamulkeedii sidiisii buu ahaanayaa laakiin, waxaa la abuurayaa shirkad ay wada leeyihiin Imaaraadka iyo Somaliland oo mustaqbalka maamuli doona dekedda.Xagga saami qaybsiga ayay ku qoran tahay in shirkaddaa la wada leeyahay saamiga loo kala qaadanayo 35% Somaliland ah iyo 65% oo shirkadda DP World ah,” ayuu yidhi guddoomiyuhu.

Ugu dambeyna wuxuu sheegay inaanay cashuuraha iyo shaqaalaha dekedda waxba iska bedeli doonin “Sida wasiiradu caddeeyeen, gaar ahaana wasiirka maaliyaddu, dekeddii hore sideeda ayay ahaanaysaa, kastamku sidiisa ayuu ahaanayaa, marka dekedda kale la dhammeeyo ayuun baa tan loo soo wareegayaa in la hagaajiyo.Shaqaalaha siday xukumaddu ballanqaaday wax la bedelayaa ma jiraan,” ayuu yidhi guddoomiye Cirro.

Xigasho Wargeyska Warsugan