Golaha Wakiiladda Oo Ansixiyey Heshiiska Balaadhinta Dekedda Berbera iyo Magacaydda Xildhibaanada Diiday & Kuwa Ka Dareeray Golaha

0
432

Golaha Wakiiladda Oo Ansixiyey Heshiiska Balaadhinta Dekedda Berbera iyo Magacaydda Xildhibaanada Diiday & Kuwa Ka Dareeray Golaha

69 xildhibaan oo codeeyey+4 xildhibaan oo diiday iyo 2 xildhibaan oo dibad joog ahaa
Hargeysa (Warsugan) Golaha wakiilada ayaa shalay oo Isniin ahayd fadhi ay yeeshaan ku ansixiyey heshiiska balaadhinta dekeda Berbera, waxana fadhigaas ka soo qayb galay 73 mudane oo ka tirsan golaha wakiiladda Somaliland.
Gudoomiye Cirro oo shirka gudoominaayey ayaa halkii ka sii waday markii goluhu furmay in doodii halkeedii ka soo socoto, waxaanu ku bilaabay xildhibaanadii shalay is qoray inay ka doodaan, kuwaas oo markii mid mid loo xaadiriyey dhamaan ka cudur daartay inay dooda sii wataan goluhuna doodii labaad galo balse sideed xildhibaan oo ka mid ahaa kuwii lagu bilaabay ayaa diiday inay wax dooda ka qabaan heshiiska dekeda.
Intaasi ka dib ayaa la guddo galay in golaha loo qaybiyo aaraada golaha waxaana loo gudbay in cod loo qaado heshiiska waxaana cod gacan tag ah loo qaaday cidii ka soo horjeeda kuwaas oo noqday 4 xildhibaan.
Xildhibaanada ogolaaday ansixinta heshiiska
1. Baashe Maxamed Faarax
2. Dr. Cali Yuusuf Axmed
3. Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac)
4. Cali Maxamed Aadan (Calibarre)
5. Saleeban Cawad Cali (Bukhaari)
6. Axmed Cabdi Nuur (kijandhe)
7. Maxamed Cali Xirsi (Obama)
8. C/raxman Cisman Caalin
9. C/raxman Yuusuf Cartan
10. Ibraahim Caraale Cabdi (Ruush)
11. Baar Siciid Faarax
12. Ibraahim Jaamac Cali (Reyte)
13. Ibraahim Mahdi Buubaa
14. Naasir X. Cali Shire
15. C/raxman Maxamed Talyanle
16. Cabdi Maxamud Jaamac (Gaagale)
17. C/casiis Ismacil Ducaale
18. Saleeban Yuusuf Cali (Koore)
19. Siciid Maxamed Cilmi
20. Xaashi Xuseen Caabi
21. C/karim Abuubakar Good
22. C/ramxan Maxamed Jaamac
23. C/qaadir Jibriil Tukaale
24. Axmed Barkhad Obiisye
25. Cali Sh. Ibraahim Aareeye
26. Siciid Warsame Ismaciil
27. Farxan Maxamed Cali
28. Faarax Maxamuud Cabdule
29. Maxamuud Dhunkaale Guutaale
30. Xamze Maxamed Gaadaweyne
31. Axmed Jaamac Warfaa (Wadka)
32. Maxamuud X. Maxamed Cumar Xaashi
33. C/karimm Aw Cali Shabeel
34. C/laahi Xuseen Cige (Blacky)
35. Axmed Faarax Jooge
36. Xusen Ismaciil Yuusuf
37. C/qaadir Jamac Xaamaud
38. Axmed Maxamed Nuur
39. Maxamed Cisman Bulqaas
40. Cali X. Maxamed Muuse
41. Maxamed Cumar Aadam (Jiir)
42. Maxamud Axmed Obsiiye
43. Axmed Ducaale Bulaale
44. Axmed Cabdi Kaahin
45. Maxamed Saalax Cige
46. Wali Axmed Xaawo
47. Maxamed Axmed Maxamed (Dhakool)
48. Cabdi Hiirad Warfaa Faahiye
49. Yuusuf Liibaan Cumar
50. Cali Obsiiye Diiriye (Gabiley)
51. Maxamed Jamac Cabdi
52. Maxamed Jama Cali
53. Maxamed Baaruud Shide
54. Aadan X. Diiriye DIrir
55. C/raxman Jaamac Muuse
56. AxmedYaasiin Sh. Cali Ayaanle
57. Xusen Maxamed Cige
58. C/laahi Axmed Yuusuf (Madar)
59. Ibrahim Axmed Reygal
60. Maxamed X. Yuusuf Axmed (Waabeeyo)
61. Maxamed Xusen X. Ciise
62. Mahdi Xusen Cadar
63. Mahdi C/laahi Maxamuud
64. Xasan Cawaale Ceynaan
65. Xasan Muuse Hufane
66. C/qaadir Askar Xasan
67. Muuse Maxamed Ismaciil (Hoos-ujeed)
68. Ismaaciil Maxamed Xasan
Xildhibaanada Diiday ansixinta heshiiska
1. Xil. Siciid Xilmi Rooble
2. Xil. Siciid Cartan Cismaan
3. Xildhibaan Xaamud Cismaan Cigaal
4. Xil. Axmed Xasan Aadan Waysacade
Xildhibaanada ka baxay golaha
1. Xil. Cabdiraxmaan Xoog
2. Xil. Maxamed Faarax Qabile
Halka ay cod aqlabiyad ah ay ku meel mariyeen xildhibaanadii fadhiyey kuwaas oo 69 Mudane ay u gacan taageen.
Kadibna waxa ku dhawaaqay in heshiiskaasi ansaxay gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)
Xigasho Wargeyska Warsugan