Wasiirkii Hore Ee Madaxtooyada Oo Ka Hadlay Socdaalka Burco Ee Isbahaysiga iyo Mawqifkooda Siyaasadeed

0
388

Wasiirkii Hore Ee Madaxtooyada Oo Ka Hadlay Socdaalka Burco Ee Isbahaysiga iyo Mawqifkooda Siyaasadeed

Hargeysa(Warsugannews)November-25-2015-“ Weli Xisbi kale iyo aragti kale maanu qaadan ee waxaanu u taaganahay helitaanka xaqa muwaadin walba u leeyahay doorasho xor ah xisbi ahaan iyo qaran ahaanba waxaanan safar xog-weraysi ah ku gaadhi doonaa Caasimada Gobolka Togdheer ee Burco ” hadalkaasi wuxuu ka mid yahay qoraal kooban oo wasiirkii hore ee madaxtooyadu kaga hadlay mawqifkooda siyaasiga ah iyo socdaalkooda Burco.

Xirsi Cali Xaaji Xasan, wuxuu qoraal kooban oo uu bartiisa facebook ku baahiyay ku sheegay inaanay wali galin heshiis ah ku biirista xisbiyada, wuxuuna beeniyay warar sheegayay inay gacan saar la yeesheen xisbiga Ucid. Waxa uu sidoo kale sheegay inay u taagan yihiin u tabaabushaysiga doorashada soo socota mase sheegin halka ay doorashadaasi ku meteli doonaan.

Qoraalka Xirsi wuxuu u dhignaa Sidan “Isbaahaysiga Dimuqraadiga ah ah ee Xisbiga kulmiye isagoo ka duulaya qiimaha ay leedahay xog gaadhsiinta qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool gobolada iyo degmooyinka dalka sidoo kalena ka jawaabaya codsiga taageerayaasha jecel , waxay beri safar xog-weraysi iyo xog-siin ah ku teggi doonaan magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco.

Mudada safarkani socdo ayey Isbaahaysiga Dimuqraadiga ah ee Kulmiye la kulmi doonaa Bulshada qaybaheeda kala duwan iyadoo lagala hadli doono ilaalinta maslaxda caamka ah iyo u diyaar garowga doorashada kaabiga soo saaran.

Waxaa sidoo kale sixitaan ah wararka ay mala awaaleen warbaahinta qaarkood oo aan leeyahay “Isbaahaysiga Dimuqraadiga ah ee Kulmiye aanu wax heshiis ah la gelin Xisbi kale isla markaana aanu qaadan aragti kale balse ay yihiin Isbaahaysi u taagan helitaanka xaqa muwaadin walba u leeyahay doorasho xor ah xisbi ahaan iyo qaran ahaanba.”

Wa Bilaahi Tawfiiq