Sharcigeenii-baa Qayilay … Sheeko Iyo Shiish

0
607

Sharcigeenii-baa Qayilay … Sheeko Iyo Shiish

Sheekoba sheekee maalin dhawayd ayaa aniga iyo nin aanu saaxiib nahay
ayaa isu raacna suuqa maaalada hargaysa ee caasimada JSL
waxaananu wadanaa baabuur yar oo nooca raaxada ah

Markii aanu muraadkayagii kasoo dhamaysanay suuqii ee aanu damacnay
inaanu dib uu laabano xaafadahayagii
ayaa waxaanu gaadhigii cata usoo saaray dhabihii ama jidkii dariiqayagu ku beenaa

Dabeed markaanu meel dhexe marayno ayaa waxa najoojiyay naalka cas ee gaadiidka kala hora ee afka qalaad lagu yidhaahdo Inshaaradda..

Kadib saaxiibkay oo baabuurka gacantiisa ku waday ayaa iska taagay Inshaaradii
sidookae waxa garabkayaa bidix isasoo taagay baabuur yar oo ah nooca looyaqaano dukhaanka ee magaalada kadhex shaqeeyay,

Waxaanu taagnaanaba waxa jihida bari wadadii kasoo galay baabuur wayn oo nooca shaamboo xayraanka loo yaqaano ah islamarkaana wuxuu maray haad khalada
sidookale oobtan Inshaaradu ku taal waxa ku sugan laba askari oo ciidanka nabad gelyada wadooyinka ah>

Dabeed markay arkeen baabuurkan khaladka galay ayay ku yaaceen labadii askari iyagoo wadihii baabuurka murmaaya askartii oo ay isku mashquulsanyihiin ayaa waxa naga daba yimi baabuur kale oo kayimi jahadii aanu anagu kanimi dabeedna isaguu xoog usoconaaya ayuu iska dhaafay laydhkii oo cas dabeedna waxaanu iswaydiinay waar muxuu ahaa kan jiidhay inshaarada?

Anagoo isagii hadal hayna ayaa waxa isna dhaqaaqay kii Dukhaanka ahaa ee garabka bidix naga taagnaa iyadoo weli laydhkii casaa baxaayo
dabeedna waxaanu ku nidhi waar waa sidee adguna miyaad jiidhaysaa inshaaarada ?
Dabeed wuxuu noogu jawaabay waar ina mariya sharcigeeniibaa qayillaye

W/Q Sacad Cali Kaahin ( Balaaki )
sacad ali