Imaaraadka Oo La Sheegay Inuu Joojiyay Baabuurta Uu Ka Iibiyo Ganacsatada Somaliland iyo Somalia

0
667

Imaaraadka Oo La Sheegay Inuu Joojiyay Baabuurta Uu Ka Iibiyo Ganacsatada Somaliland iyo Somalia

Hargeysa(Warsugannews) Imaaraadka Carabta ayaa Arbacadii ku war-galiyey ganacsatadii Reer Somaliland iyo kuwa Somaliya ee ka soo iibsan jiray baabuurta in la joojiyey gaadiidkii ay u dhoofin jireen dalalkooda, isla markaana amray inay soo celiyaan kuwa Dekedda yaala ee ay rareen si loogu celiyo lacagtii ay siisteen.

Ganacsade ku sugan Dalka Imaaaraadka Carabta ayaa sidaasi u sheegay wargeyska Waaheen. Ganacsadaha oo xilligaasi ka soo rawaxay suuqa ama xerada baabuurta ay ka soo iibsan jireen ee Caweer ayaa sheegay in lagu amray inay soo celiyaan gaadiidkooda yaala dalka gudihiisa si loogu celiyo lacagtoodii, waxaanu sheegay talaabadani inay tahay mid maalinimadii Arbacada soo baxday.

Illaa hada lama sheegin sababta loo joojiyey gaadiidkii laga soo iibsan jiray Imaaraadka oo ahaa ganacsiga ugu suuqa badan ee ay dad badani ku tiirsanaayeen, hase yeeshee wararka soo baxaya ayaa sheegaya in ay jirto baqdin dhinaca amaanka ah oo lala xidhiidhinayo go’aanka Imaaraadku qaatay.

ganacsatada Reer Somaliland ayaa nolol maalmeedka ka heli jiray ka ganacsiga gaadiidka kala duwan ee Imaaraadka uga iman jiray oo qiime ahaan ka jabnaa kuwa kale, waxaana ka jira magaalooyinka Somaliland Macdaro laga iibsado gaadiidka iyo Dilaaliin suuqa kale ku Iibiya.

Xukuumadda Somaliland ayaa ka hesha cashuur farabadan gaadiidka kala duwan ee soo dega iyo kuwa socdaba, waxaanay u ahayd il dhaqaale oo saamayn ku yeelan doonta dakhliga.