WAX KA BARO BISHA RAMADAAN QORMADII 6-AAD

0
767

QORMADII 6-AAD
6. TIIRARKA BISHA RAMADAAN.
Soonku wuxuu leeyahay laba tiir oo waaweyn haddii aynu la nimaadnana uu soonkeenu inoo hagaagayo, , labadaas haddii la waayana uu soonkeena uu noqonaya waxba kama jiraan, waana laba tiir oo udub dhaxaad u ah soon bisheena ramadaan ee aynu gudanayno, camalkeedana la imanayno, rajeynaynan inuu Eebbe inaga aqbalo camalkaa aynu dartii ula imanayno, haddaba labadaa TIIR ee soonku ku taaganyahay waxay kala yihiin.
1. NIYADA.

Niyada oo ah in qofku uu niyeysto inuu Soomayo, maankana ku qabto inuu soon gudanayo, Ilaahay korreeye oo xumaan ka nasahnaaye wuxuu yidhi : ” Lamana amrin inay caabudaan Ilaahay mooyaane, iyagoo u gaar yeelaya isaga Diinta”, hadalkii Rasuulkeenii subanaana waa kii ahaa (NNKHH) : “Camal oo dhami waa niyada, qof kastana wuxuu niyaysto ayuu leeyahay”, Niyaduna maaha wax lagu hadlo ee waa qalbiga, markaa qofku hadduu Suxuurto isagoo Soon u jeeda niyaystana soonkiisu waa sax, qofku haddii uu goosta inuu iska daayo waxa jabinaya Soonka isagoo Ilaahay ugu dhawaanaya waa sax soonkiisu, qofku haddii suxuurtu ka tagto laakiin xalay ku seexday inuu barri soomo hurdaduna dhaafiso soonkiisu waa uu ka gudayaa.

Culimada badankoodu waxay isku raaceen in Soonka Sunnada ah inaad maalin walba niyaysato soon, haddii aanad waxba cunayn, Caa”isha Ilaahay ha ka raalli ahaadee, oo ahayd mid ka mid ah sawjaatkii rasuulka (NNKHH), waxay tidhi Waxaa ii soo galay Nabigeenii suubanaa (NNKHH) maalin, markaasuu igu yidhi caa’ishaay “Wax ma haysaan (cunto guriga ma taallaa)? ” Markaasaan ku idhi maya rasuulkii ilaahayaw, Markaasuu igu yidhi “Haddaa waan Soomanahay” sidaas ayey culimadu leeyihiin xataa yaanay ahaan maalin ramadaan hadaad niyada ku qabato soon walaw aad weydid waxaad cuntee waad soomantahay.

Niyaduba sidaynu la wada socon waa udub dhaxaadka camalka kasta oo alle dartii loo qabanayo, waayo qofku hadduu salaadda ku jiro wuxuu niyada galinayaa inuu salaad gudanayo Rabbi ku waajibiyey, saas oo kale ayey tahay haddii uu soomanyahay inuu niyada ku qabto, niyaduna waa shay qaaliya, mana jiraan hadal ama ficil la samaynayo marka la gudanyo waajibaadkaa.
2. ISKA ILAALINTA WAXYAABAHA JABIYA SOONKA.

Ka fogaanshaha waxyaalaha jabiya, laga bilaabo marka waagu dillaaco ilaa cadceed dhaca laga gaadhayo, waxaanu hadalkii Eebbe ahaa korreeye ” Hadda u taga (dumarkiina) kana doona wixii Ilaahay idiinka qoray, cuna oo cabbana ilaa inta uu idiinka caddaanayo dunta cadi dunta madaw oo waaga dillaaciisa ah, markaana dhammaystira Soonka ilaa habeenka” Suuradda Al-Baqara, Dunta cad iyo dunta madawna waxaa looga jeedaa caddaanka maalinimo iyo madaw habeenimo.
Markaa qofku marku afuro oo ah markay galbato qorrax du, waxa u banaan wixii xaaraanta ka ahaa intuu soomanaa maanta, xiligaa qofka muslimka ahi wuu u tagi karaa gabadhiisa, oo iyadna Eebbe ka xaaraan yeelay intuu afkiisu xidhnaa, cunid iyo cabid iyadna waa u xalaal waanu cabayaa ilaa iyo uu ka gaadhayo xiligii Rabbi yidhi joojiya oo ah suxuurta, oo qofka muslimka ah intaan la adimin ee uu suxuuranayo, markaa wuu sii cuni karaa wixii cunta ah ee uu sii cunayo, marka la eedaamana wuu joojinaya guda galayana soonkiisii maalinimo, waanu soomayaa ilaa iyo inta ay ka dhacayso qorrax du, markaa mu’minmku dib u afurana wuu la imanayaa cunid, cabid, shahwadiisii uu Rabbi dartii uga tagay.
Waxaana habboon inaynu si fiican u eegno camalka aynu gudanaynaa, haddii ay dhacdo inay wax garan wayno, ama ka shikino, waxa lagama maar-maana inaynu culimada waydiino, si ay inooga saxaan wax madmadwgu inagaga jiro, haba yaraato ama haba badnaatee, Rabbi waxaan ka baryayaa inuu camalkeena aqbalo, inagana yeelo kuwuu ducadooda aqbalo, kana ajiibo baryadooda, hadduu Rabbi qadaro, insha allaah.

W/Q: C/RAXMAAN C/LAAHI WIRDAANI