MAALIN KA MID AH MAALMIHII NOLOSHA NABI MUXAMED SCW- Qaybta 6aad

0
425

MAALIN KA MID AH MAALMIHII NOLOSHA NABI MUXAMED
SCW-Daraasad koobaysa qorshe hawleedkii nabiga ee Maalinlaha ahaa
Dr Cabdiwahaab B.Naasir Al- Turayti Makkah

Dariiqyada Madiina
Hargeysa(Warsugannews)Socodka dariiqyada Madiina, nebiga waxa ay u lahayd ujeedo wayn oo muhiim u ah dacwada diinta.Socodkiisuna lama mid ahayn mana lahayn saamaynta uu leeyahay safarada madaxda xilligan oo ay yar tahay in lagu arko suuqyada magaalooyinka iyagoo lugaynaya. Nebigu SCW, marka uu soconayo, waxa la moodayay inuu lugihiisa ka kor qaadayo dhulka, markaas ayuu hore u socon jiray isagoo si degen u talaabsanaya. Qof kasta oo arkay, waxuu aqoonsanayay in aanu daalanayn, qof caajis ahna ahayn.Markuu soo jeedsanayo, waxuu soo jeedin jiray jidhkiisa oo dhan.Asxaabtuna way ka horayn jireen ama way dhinac socon jireen. Lama arag asxaabta oo ka danbaysa nebiga markay lugaynayaan. Taasina waxay ka duwan tahay sida ay hogaamiyayaasha dunidu maanta aynu joognaa ula macaamilaan dadka la socda oo inta badan iyagu ka horeeyaan dadkuna daba hadaafaan. Nebigu SCW, marka uu lugaynayo waxuu isticmaali jiray ul ama laan timireed. Mararna waxuu qaadan jiray ul yar ama mid madax buuran. Taasina waxay ahayd caadadii carabta maadaama ushu u ahayd qalab ay wax ku qabsadaan baahina loogu qabay bulshada hawlaheeda.

Hadii nebigu la kulmo jaariyad oo ay gacanta qabsato, iskama waynayn jirin ee wuu la hadli jiray, raaci jiray ugana jawaabi jiray arimaha ay waydiiso.Waxaana caadi u ahayd in aanu qof gacantiisa qabsaday iska dhufan ama sii dayn ilaa qofka kale sii daayo.Nebigu wuu dhoola cadayn jiray marka uu qof la kulmo. Jariir Ibnu Cabdullah ayaa yidhi: Markasta oo aan nebiga ilaahay la kulmo wuu dhoola cadayn jiray.

Dhoolacadaynta nebigu SCW, waxay ahayd mid soo dhowayn qofka ah oo niyad ah taas oo qofka siinaysay dareen ah inuu nebiga agtiisa ku leeyahay tixgelin.Asxaabiga Jariirna waxuu u haystay in nebigu kaligii markuu arko weji furan iyo dhoolacadayn ku soo dhoweeyo waanu ka sheekayn jiray, balse nebigu SCW dadka oo dhan isku si ayuu u soo dhowayn jiray.

Cabdulaah Ibnu Al Xaaris ayaa yidhi: Ma aan arag qof ka weji furan oo ka dhoolacayn badan nebiga ilaahay N.N.K.H.A
Hadii uu nebigu socodkiisa dhexdiisa la kulmo dhalinyaro ama wiilal, wuu salaami jiray isaga oo wejiyadoodana gacantiisa ku masaxaya. Jaabir Ibnu Samurah ayaa yidhi: nebiga ayaa maalin socod lug ah u baxay aniga Jaabir ahina waan la socday. Wiilal ayuu la kulmay, markaas ayuu masaxay dhabanadooda mid kasta oo ka mid ah.sidoo kale anigana dhabkayga ayuu masaxay, waxaan dareemay in gacantiisu qabow tahay, udgoona sidii oo imika laga soo saaray salad cadaro ku jiraan dhexdeeda. Runtii dhabankii uu nebigu ii masaxay waxuu ahaa mid ka fiican dhabankaygii kale muuqaal ahaan.

Nebigu SCW, waxuu booqan jiray Ansaarta xaafadahooda, markaas ayaa wiilasha Ansaareed u iman jireen kuna soo ururi jireen. Nebiguna wuu u ducayn jiray, madaxa u salaaxi jiray sidoo kale salaami jiray.
Maalin ayuu nebigu SCW, waxuu soo maray qabiilka Al-Najjaar. Dumar reer Al-Najjaar aha ayaa helay markaas ayay mashxaradeen iyagoo ku heesaya;
Waxaanu nahay adeegooyinkii reer AL Najjaar
Muxamedna waa jaarka ugu fiican

Nebiguna waxuu ku yidhi: Allah ayaa og in qalbigaygu idin jecel yahay. Allahayoow barakee dhamaantood.
Maalin ayuu nebigu soo dhex maray masaajidka markaas ayuu arkay koox dumar ah oo meel fadhiya, markaas ayuu salaamay isagoo gacanta u taagaya.Nebigu SCW, hadii cid la kulmo waxuu ahaa ka hor salaama. Wuu gacan qaadi jiray oo u ducayn jiray.Marka uu qof gacan qaadana muu ka ceshan jirin gacantiisa ilaa qof kale damco inuu gacantiisa ceshado. Cadiya Ibnu Xaatim ayaa ka waramaya kulankiisii ugu horeeyay ee nebiga: aniga oo dhinac socda ayay gabadh ilmo yar haysta u dhawaaqday nebiga, iyadoo leh: nebigii ilaahayow, waxaanu rabnaa in aan kula hadalo ee noo kaalay. Wuu u tegay markaas ayuu la hadayay waqti dheer isaga oo taagan. Waxaan isku dayay in aan hore u yara socdo, markaas ayaan ka fekeray: waxaan qirayaa in aanad la dhaqan ahayn diintayda ama diintii Al Nucmaan ibnu Al Mundir ( waxuu ahaa boqor kiristaan ah oo ciraaq xukumayay). Hadii aad ahaan lahayd boqor, wiil yar iyo gabadhi kuma ay joojin kareen isumana taagteen waqti dheer.Waxaan dareemay qalbigaygii oo dareen jacayl iyo soo dhowayn u galay nebiga.

Maalin ayuu nebigu SCW isagoo lugayanaya waxuu la kulmay wiil neef la qalay haraga ka saaraya balse aan aqoon u lahayn sida ugu haboon ee neefka haraga looga saaro. Nebiga SCW ayaa u tegay oo ku yidhi: bal dhinac uga istaag si aan kuu tuso sida ugu haboon ee aad haraga uga saari karto. Markaas ayaa nebigu gacantiisa dhex galiyay haraga iyo cadka laxdii la qalay ilaa uu gaadhay garabka. Waxuu ku yidhi wiilkii: sidan ayaa haraga looga saaraa, wiil yahow. Markaas ayuu ka tegay.

Waxaynu arkaynaa sida nebigu ugu han waynaa inuu bulshada la sameeyo hab wada sheekaysi ay ku jirto kalsooni ka turjumaysa run ahaanta waxa loo soo diray oo ahayd inuu dadka wax ka baro diintooda iyo dhaqanka wanaagsan. Nebigu waxuu ahaa mid tusaya dadka dareenka uu u hayo iyo miisaanka ay xagiisa ku leeyihiin bini-aadamku guud ahaan.
Mark nebigu SCW waxuu la joogay asxaabtiisa guriga mid aka mid ah iyaga, markaas ayaa Bilaal u sheegay in ay tahay waqtigii salaada.Wuu istaagay oo u kacay dhinaca masaajidka. Waxuu sii maray nin la taagan weel wayn oo cunto oo karinayay ku jirto. Nebiga ayaa waydiiyay ninkii isagoo ku yidhi: karintaadii ma dhamaystirtay? Ninkii ayaa ku yidhi: waa diyaar. Markaas ayuu nebigu wax ka qaatay oo afka geliyay waxaanu masaajidka galay isaga oo weli calaalinaya waxii uu afka geliyay.

Waxaynu halkana ka arkaynaa sida nolasha nebigu u ahayd mid fudud oo hadana miisaan dhamaystiran leh.Sidaas ayaanu nebigu ula noolaa, oo ula dhaqmayay asxaabtiisa iyo dadka aan asxaabtiisa ahayn labadaba.

Nebigu SCW marka uu qof gurigiisa ku soo booqdo muu ahayn mid toos albaabka isu taaga. Sababtuna waxay ahayd guryaha oo gudahooda waxa ku jiraa la arki karayay aadna u yaryaraa. Sidaas darteed, marka uu nebigu istaago albaabka, ugu horayn waxuu salaami jiray ehelka guriga isaga oo leh: assalaamu Caleykum Waraxmatulaahi Wabarakaat. Hadii loo jawaabi waayo, sadex jeer markuu salaantaas ku celiyo wuu ka tegi jiray.

Maalin ayuu nebigu SCW booqday Sacad Ibnu Cubaadah, markuu albaabka guriga istaagay ayuu salaamay. Sacad ayaa maqlay salaanta balse hadal hoose ayuu ku yidhi: Wa caleykum wa salaam. Markaas ayaa nebigu maqli waayay oo ku celiyay sadex jeer. Sacadna mar walba uga jawaab celinayay cod hoose. Sidaas ayaa nebigu ku tegay, markaas ayaa Sacad ka daba tegay una yeedhay nebiga isaga oo leh: Ilaahii kula soo diray fariinta runta ah ayaan ku dhaartee, rasuulkii ilaahayow markasta oo aad I salaanto aniguna waan kuu jawaabayay, waxa keliya aan doonayay in aad marar badan na salaanto kaliya doonista naxariista Allaah

Waxaa turjumay
Farxaan Aadan Haybe