Weerar Lagu Khaarajiyey 22 Askeri Oo Xero Qaxoonti Oo Niger Ku Taala Ku Sugnaa

0
594

Weerar Lagu Khaarajiyey 22 Askeri Oo Xero Qaxoonti Oo Niger Ku Taala Ku Sugnaa

Ugu yaraan 22 askari ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday xero qaxooti oo ku taalla dalka Niger, Xerada la weeraray waxay ku taallaa xuduuda Niger ay la wadaagto dalka Mali, sida saraakiisha dalkaasi ay sheegayaan.
Ra’iisul wasaaraha Niger, Brigi Rafini oo ka hadlay TV-ga qaranka ee dalkaasi ka cambaareeyay weerarkaasi, Dableyda waxa ay bartilmaameed sadeen xarun militari, sida uu sarkaal ku sugan goobta la weeraray uu u sheegay wakaaladda wararka ee AP.

Waqooyiga iyo Bartamaha Mali ayaan xasillooneyn afartii sano ee la soo dhaafay. Ciidamada Faransiiska ayaa dalkaasi u jooga inay meesha ka saaraan kooxaha jihaad-doonka ah.
seddax askeri oo kale ayaa weerarka ku dhaawacmay, ra’iisul wasaare Rafini waxa uu sheegay in tirada dhimashada ay kordhi karto, Bishii lasoo dhaafay, laba qof oo qaxooti ah ayaa la dilay kaddib markii dabley ay weerareen xero ciidan.

Xeryaha qaxootiga ee ku yaalla xuduudda waxaa ku jira dad ka soo qaxay qalalaasaha dalka Mali oo Niger deris la ah.
Militariga dalka Niger waxay dagaal kula jiraan Boko Xaram oo dhowr jeer weerar ka geysatay dhanka koofurta ee dalkaasi. Dhanka galbeedkana waxaa dhibaato kaga haya Alqaacidada dalka Mali.