Taxanaha Cibrada Nolosha ( qisooyin cibro leh ) qisadii 10aad , Qalinkii Cabdi Cawiye

0
644

Taxanaha Cibrada Nolosha ( qisooyin cibro leh ) qisadii 10aad , Qalinkii Cabdi Cawiye
Beribaa waxaa is raacay wiil dhalinyaro ah iyo odey guxurshaa ah ama da’weyn oo xidida odeyga weyni wuxuu qabay gabadh ay inanka ilmaadeer yihiin iyagoo sahaminaaya meel baad iyo tigaadba leh si ay reerka ugu raraan maa daama ay abaar noqotay cabaar markii la is daba jaqafsanayey ayuu odaygii su’aal weydiiyey oo yidhi ” adeer ulaha inoo kala badan ” inankii oo yaaban ayaa iska aamusay oo socodkiisii iska sii watey.
Cabaar markii la lugeeyey ayuu hadana odeygii su’aal kale weydiiyey oo yidhi “adeer I qaad ama aan ku qaado ” inankii oo aad u yaaban ayaa yidhi qacligal maaha ee
ina socodsii.
Markii hadana cabaar la lugeeyey ayaa waxa ay soo mareen reer geeri ka dhacday oo uu nin ka dhintay markii ay soo dul istaageen ee loo sheegay ayuu odeygii hadana su’aal weydiiyey oo yidhi “adeer ninkani miyuu dhintay mise wuu noolyahay ” inankii oo is yidhi ama aaminey in odeygani waashay ayuu iska aamusay oo iska jaqafsaday. Hadana cabaar ka dib ayey soo gaadheen reer degey oo markaas uun la furey odaygii ayaa yidhi “adeer reerkani miyuu degey ” inankii oo aaminsan inuu odeygu ku dhuftay ayaa yidhi ina dhaqaaji.
Markii ay arkeen meel tigaad iyo naqba buuxda ayaa ay dib isu soo rogeen oo ay reerihii kusoo noqdeen. Markii reerihii lasoo gaadhay ayuu inankii aabihii u tagay oo yidhi aabo odeygii hebel ee aynu xididka ahayn miyir qab maaha ee goormaa tolow la helay.
Odeygii ayaa yidhi “maxaad ku aragtay” inankii ayaa u sheegay odeygii dhamaan su’aalihii layaabka ahaa ee uu odeygu weydiiyey. Odeygii ayaa yidhi su’aalaha uu ku weydiiyey ma su’aasha hore, mise su’aalaha kale su’aasha hore hadii uu inaga Dow bixin waayo xaal ayeynu ka qaadi lakin su’aalaha kale wuxuu kaa jeedey :-
Marka uu kulahaa aan ku qaado ama I qaad wuxuu kaaga jeedey
Ii sheekee ama aan sheekeeyo waayo sheekada ma dareemaysid daal oo waad ku iloobaysaa.
Markuu ku yidhi ninkani miyuu dhintay mise wuu noolyahay wuxuu kaaga jeedey
Ninkani ubad muu ka tegay waayo haduu ubad ka tegay magaciisa ayaa sii jiraaya oo sii waaraya hadii aanu caruur ka tegina maalinta uu dhinto ayaa magaciisa ugu dambaysa.
Marka uu kulahaa reerkani miyuu degey wuxuu kaaga jeedaa meeshu aad ayey u doog badan tahay ee ma biyo fadhiisibaa oo way ka guuri mise waa meel meel ay ku nagaanayaan oo ku Haboon.
Mida hadalku ka joogaa waa Marka uu kulahaa ulaha inoo kala bedel wuxuu kaaga jeedey inanta aan qabo ii bedela oo ta ka yar I siiya. Ee wiilkaygoow arintaa ha inaga Dow bixiyee ina keen.
Markii odeygii loo yimid ee ay arinkii u sheegeen ayuu odeygii yidhi waar ragoow inanta aan idinka guursaday aad ayey u kas gaabantahay ee laba sadex su’aalood ayeynu weydiinaynaa hadii ay ka jawaabto xaal baa I qabta.
Inantii ayaa loo tegay oo uu ku yidhi inaneey waxaad sheegtaa
Geel xeradii
Rag gogoshii
Iyo garaw cinistii
Inantii waxay tidhi ” Geel xeradii waa in ay weynaato
Rag gogoshii waa in furaasha iyo saan weyn uu help
Garaw iidaankii waa subag iyo caan.
May garanin ayuu yidhi ee inanta ka yar inoo geeya
Inantii ka yarayd waxay ku jawaabay
Geel xeradii waa in uu haysto rag u heel an
Rag gogoshii waa nabad.
Goraw cunistii waa in ay gaajo ama caafimaad kuu geeya.
Inankii iyo odeygiiba waxay isku raaceen in uu odeygu gar lahaa.
Waa dhaqankeenii suubanaa ee ka madhnaa mala’awaalka iyo jiljileeca
QALINKII CABDI CAAWIYE

Cabdi Cawiye