Halista Daawooyinka Been Abuurka ah (Counterfeit Medicines) W/Q Maxamuud Xeef

0
531

Halista Daawooyinka Been Abuurka ah (Counterfeit Medicines) W/Q Maxamuud Xeef
Daawooyinka been abuurka ahee afka qalaad loogu yeedho (Counterfeit Medicines), waa kuwo sabab u noqda sannad kasta dhimashada dhaawac abid ah malaayiin dad ah oo ku nool dunida dacaladeeda kuwaas oo ay ugu horeeyaan dadyawga ku nool dalalka dhaqaale ahaan liita oo ay ku jiraan kuwa ku yaala qaaradaha Afrika Iyo Aasiya.
Haddaba waxa jira ganacsato si sharci daro ah uga shaqeysata daawooyinka been abuurka ah oo ku nool dalal ku yaala qaaradaha Afrika iyo Aasiya oo isla markaasna suuqyo ku leh dalal dhaca qaarada Afrika, kuwaas oo lacag xad dhaaf ahi ay ka soo gasho.
Sannad kasta marka ad eegto wax sii kordhaaya ka ganacsiga daawooyinka oo meelo cusub laga furaayo gobolada Somaliland iyada oo an wax shuruudo ah lagu xidhayn qofka furanaayo loona eegeynin xirfadiisa uu u leeyahay adeega caafimaad ee u fulinaayo, kaasi oo mihiimadiisa ugu weyni ay tahay ganacsi iyo macaashdoon, ay ku dheehan tahay sixir barar iyo dhibaato barbar socota oo aan cidi kula xisaabtamaynin.
Dhinaca kalena waxa barbar socda dhibaatooyin si weyn loo wad dareemay oo ah buux dhaafka goobahaas oo had iyo jeer saxmadoodu ay sarayso, dadkuna ay daawooyinku ku iibsanayaan bilaa waraaq aanu u soo qorin Dhakhtar loona yaqaan (Prescription letter), waxaana kaaga darena ay la kulmayaan qofkaa ganacsiga u furtay ee aan isagu diir naxay amaba qof shaqeele ah oo isagu xirfad u leh balse aan awood u lahayn inuu wax ka qabto arintaas oo aan ka ahayn talo siin wax ku ool ah, waaba haddii uu ka qaato qofka xanuusanaaye.
Waxayaabaha ugu weyn ee sababta u ah soo gelinta dalka dawooyinka macmalka ama been abuurka ah waxa ugu horeeya, xirfad la’aanta shaqaale aqoon u leh baadhida tayada daawada iyo dawlada oo aan keenin qalabkii lagu baadhi lahaa, dawooyinka iyo cunooyinka dalka loo soo dhoofiyo.
Isticmaalka dawooyinka been abuurka ahi waxay keenaan la qabsi xanuunada qaar oo ay adkaato in la daweeyo, dhaawac ka soo gaadha habdhisyada kala duwan ee jidhka oo dhimasho keena, amaba dhaawac aan la mahadin daba socdana qofka inta noloshiisa ka hadhay.
Ugu danbeyntii waxan dadweynaha u soo jeedinayaa inay iska ilaaliyaan isticmaalka dawooyinkaas inata ay karaan, dawladana waxa la gudboon wax ka qabashada dawooyinka halista ku ah caafimaadka iyo nolosha dadka ay u dhaaratay oo ay keenaan waxyaabaha lagu sugi karo tayada daawada iyo cunada.
Maxamuud Xeef
Mohamoud Ismail