Wenger oo weerar yahan ka raadinaya horyaalka talyaaniga

0
374

Tababaraha kooxda Arsenal ayaa durba bilaabay inuu baadi goobo weerar yahan baahitiri kara kooxdiisa sida ay baahisay The Sun.

Arsene Wenger ayaa doonaya weerar yahanka kooxda Torino ee Andrea Belotti kaas oo ah 23 jir, kadib markii uu dareemay in kooxdiisu ay u baahi qabto weerar yahan tayo leh.

Arsenal ayaa qorshaynaysa inay la soo wareegto Andrea Belotti suuqa janaayo laakiin qiimihiisa oo qaali ah ayaa lagayaabaa in kooxdu ay dib u dhigto ilaa dhamaadka xiliciyaareed kan.

Torino ayaa u sheegtay Arsenal in qiimaha Andrea Belotti uu yahay 50 milyan oo Ginni, tababare Wenger ayaana dib u dhigay saxiixa weerar yahanka reer talyaani ilaa dhamaadka xiliciyaareed kan.

Andrea Belotti ayaa u dhaliyay kooxdiisa Torino 25 gool 51 kulan oo uu u saftay.`