Thomas Muller oo ka hadlay dhibaatada Guardiola ku haysata Premier League

0
423

Weerar yahanka kooxda Bayern Munich ee Thomas Muller ayaa ka hadlay dhibaatada tababarihiisii hore ku haysata horyaalka ingiriiska.

Kooxda macalin Guardiola ayaa ku jirta booska 4-aad ee kala saraynta jadwalka horyaalka ingiriiska kadib 20-kulan oo la ciyaaray, 7-dhibic ayeeyna u jirtaa hogaanka horyaalka.

Thomas Muller ayaa sheegay in horyaalka ingiriisku uu yahay mid aad u adag maadama ay ka buuxaan kooxo awood badan, laakiin wuxuu cadeeyay in xiliciyaareed kan uu yahay kiisii ugu horeeyay ee Premier League.

“Horyaalka ingiriisku waa mid aad u adag, waxaa joogo kooxo badan oo awood leh, kulamo badan oo adag ayaa ka buuxa Premier League” ayuu yiri Thomas Muller.

“Waa xiliciyaareedkii ugu horeeyay ee Pep Guardiola kooxda Man City, sidoo kale waxaa jira arimo badan oo shaqada halkaas ka dhigaysa mid adag”.