Xaflad Balaadhan oo wasaaradda Madaxtooyadu ku so dhawaysay Agaasimaha Cusub ee Madaxtooyada Marwo Khadra Xaaji Gaydh oo lagu qabtay Qasriga.

0
552

Xaflad Balaadhan oo wasaaradda Madaxtooyadu ku so dhawaysay Agaasimaha Cusub ee Madaxtooyada Marwo Khadra Xaaji Gaydh oo lagu qabtay Qasriga.

Hargeysa (Warsugannews) Munaasibad xarunta madaxtooyada loogu sameeyey agaasimaha guud ee madaxtooyadda ee cusub ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin kala duwan iyo shaqaalaha madaxtooyadda. Munaasibadaas oo ka dhacday hoolka shirarka ee madaxtooyada.

Munaasibadan oo ay shaqaalaha madaxtooyadu ku soo dhaweynaayeen agaasimaha guud ee dhawaan xilka loo magacaabay Marwo Khadra Xaaji Gaydh ayaa masuuliyiinta ka soo qayb gasha waxaa ka mid ahaa wasiirka madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiiru dawlaha madaxtooyadda Maxamed Muuse Abees, wasiir ku xigeenka war-faafinta Marwo Shukri Xariir Ismaaciil, agaasimaha komishanka xuquuqal iinsaanka ee qaranka Marwo Farxiya Jaahuur, madaxa xafiiska samo falka ee madaxtooyadda Aamina Maxamuud Diiriye, qaar ka mid ah badhasaabadda dalka iyo marti sharaf kale.

Waxaa ugu horayn halkaasi ka hadlay madaxa xafiiska samo falka ee madaxtooyadda Aamina Maxamuud Diiriye oo ka warantay dadaalka iyo kartida agaasimaha cusub ee madaxtooyada, iyadoo xustay inay rajo weyn ka qabto waxqabadka ay hore ugu suntanayd inuu ka muuqan doono madaxtooyadda agaasimaha looga dhigay.

Sidoo Kale Farxiya Jaahuur oo ah agaasimaha komishanka xuquuqal iinsaanka ee qaranka ayaa sidoo kale bogaadin iyo amaan balaadhan u soo jeedisay agaasimaha madaxtooyadda ee cusub, iyadoo madaxweynaha Somaliland ku amaantay doorka miisanka leh ee uu ka qaatay kaalin gelinta haweenka ee xilalka qaranka. Waxaanu madaxweynaha ka codsatay in xilalka qaranka haweenka ay uga hadheen heer badhasaab oo kaliya.

Geesteeda waxaa iyaduna halkaasi ka hadashay wasiir ku xigeena war-faafinta Marwo Shukri Xariir Ismaacil oo ka warantay muhiimada ay qaranka u leeyihiin haweenka oo xilal qabtaa, waxaanu sheegtay in aanay agaasimaha cusub uga baqo qabin ka soo bixitaanka shaqada madaxtooyada, iyadoo xustay inay hore u soo maamuli jirtay gole deegaanka oo miisaankiisa la wada ogyahay.

Agaasimaha guud ee munaasibada loo sameeyey Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis (Khadra Xaaji Gaydh) ayaa aad uga mahad naqday guud ahaan shaqaalaha madaxtooyadda soo dhawaynta iyo munaasibada ay u sameeyeen, waxaanay sheegtay in madaxtooyadda ay joogaan shaqaale ay ku faani karto, isla markaana ay rajo weyn ka qabto la shaqayntooda iyo ka soo bixitaanka shaqooyinka ay ka hayaan qasirga.

Ugu danbayntii waxaa halkaasi ka hadlday wasiirka madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi oo ku dheeraaday hadalka, isla markaana sheegtay kartida iyo waxqabadka ay leedahay agaasimaha cusubi, waxaanu yidhi “Agaasimaha Khadra Xaaji Ismaaciil (Khadra Xaaji Gaydh) waa soo dhawaynaynaa Khadri shaqada qof ku cusub maaha dunida waxa ugu qiimaha badan ee la qiimeeyo ama la is-dul taagaa waxaa weeye khibrada iyo aqoonta waa labadaa shay, qofka marka shaqo loo dhiibayo ama shaqo loo qaadanayo aqoontiisa iyo khibradiisaa la qiimeeyaa lama eego waxyaalo farabadan oo ah qofnimadiisa kale ku xidhan oo ay ka mid tahay siduu u eegyahaya midabkiisa, dherarkiisa waxyaalahaa lama qiimeeyo, waxaa la qiimeeyaa qofka aqoontiisa iyo waayo aragnimadaiisa, siyaasada oo kaliya maaha maamulka waa lagu qiimeeyaa siyaasadana waa lagu qiimeeyaa arimaha ciidamadana waa lagu qiimeeyaa marka ciidan janan adag loo dhiibayo ee meel adag laga dagaal gelinaayo waxaa yidhaahdaa janankaasi ‘Background’ kiisaa dib loo raacaa intii dagaal uu soo galay dabcan jananimada qofku kama bilaabee hoos-buu kasoo bilaabaa intaas oo meelood-buu ka dagaal galay intaas oo ciidan-buu soo maamulay waa lagu qiimeeyaa, shaqadan maamulkana waa lagu qiimeeyaa qofku waxa la dhahaa halkaasuu soo galay halkaasuu kasoo shaqeeyey waxaasuu soo qabtay waxaasuu soo ahaan jiray, siyaasadana waa lagu qiimeeyaa oo waa laysku duraa qofku inaanu khibrad siyaasiya lahayn doorashooyinka waa lagu kaal adkaadaa aqoonta iyo waayo aragnimada waxaa saddexayn kara waa kartida iyo hufnaanta qofku leeyahay iyaduna CV-giisay la socotaa markaa runtii Khadri waa qof aan shaqada ku cusbayn sharaf-bay inoo tahay Wasaarad ahaan qof maanta ku cusub majaalka shaqada maaha , Bulshada Somaliland marka la yidhaahdo agaasimihii guud waxaa loo magacaabay Khadra waa qof ay akhriyi karaan way yaqaanaan waayo waxaynu ku wada fadhinaa Sali sidaa la sheego khadri xilal badan-bay soo qabatay waa qof bulshada Somaliland laga dhex yaqaano markaa qof ku cusub shaqadan maaha kama werwer qabo inay halkan isbedel ka samayn doonto, waxaan aaminsanahay inay isbedel mugle ka samayn doonto waxaan aaminsanahay aniga iyo wasiir dawlihuba inaan u gacan baxsanaan doono shaqooyinka faraha badan ee Madaxtooyada Qaranka laga maamulo ee siyaasada leh ee nabad gelyada leh inaan u gacan baxsanaan doono oo ay ku filaan doonto shaqada maamulka oo dhan”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku dary “waliba inay naga taageeri doonto kuwo aanu haynana waayo waa qof siyaasiyad ah, waxaa jira qof maamulkuun ku eeg laakiin iyadu waa qof siyaasiya xaqiiqdii, afgobaadsi maaha waa iga run, halkan masuuliyiintii naga horeeyey khadra ka horeeyey ama aniga dhamaantood wixii wanaagsanaa ee ay qabteen waan ka mahad naqaynaa waxaa libteeda iyo amaanteeda ugu horaysana leh Madaxweynaha oo isagaa kooxda (Team-ka) ciyaarsiiya oo cugga, hasa yeeshee wixii ay iyaguna madaxweynaha ku kaalmeeyeen ama ha noqoto wasiirkii hore ama agaasimihii hore waan uga mahad naqaynaa wixii wanaagsanaa ee ay qabteen, Bini’aadam baynu nahay iyana waxbay qaloocin karaan oo laga odhan karo waa macsuun anaguna waxbaan qaloocin karnaa colkayaga ka danbeeyaa wixii qaloocday waxaa waajiba inaan toosino anagu wixii qabyoobay ee ay qaban waayeena waxaa waajiba inaan qabano wixii aan qaban karno waa saddexdaa, dawladuhuna waa sidaa si leeg dawladdii inaga horaysay ee xakuumadan kulmiye ka horeysay cidina malaha waxba ma qaban waa looga mahad naqayaa Madaxweyne Daahir Riyaale wixii wanaagsanaa ee maamulkiisii qabtay wixii qaloocday ee aan maanta toosinay wax badani ay ka mid yihiina waajib bay nagu ahayd inaan toosino wixii aanay qabana ee aanu qabanayna waajib na saaran bay ahayd xukuumada ka danbaysa xukuumada Axmed Siilaanyana intaa in leeg baa iyadana laga doonayaa”

“Waxaa weeyaan dalkani waa guri la dhisayo meelbaa laga soo bilaabay marba meelbuu marayaa lebenkaasaa laysa saarayaa qof waliba intii uu ugu yimi waa inuu ka kordhiyaa, Wasaaradda Madaxtooyadu ee Khadri Agaasimaha ka tahay shaqo fara badan baa taala labada duhurnimo agaasiyamaasha la midka ahi ayey xaq sharci u leeyihiin inay rawaxaan markay labada rawaxaan shaqada waxay kusoo noqdaan todobada subaxnimo Khadra waa agaasime shaqayn doona markay labada duhurnimo rawaxdo afartay dib u soo gelaysaa ilaa koob iyo tobanka habeenimo, iyadoo ah Hooyo Marwo guri maamulata ayey koob iyo tobanka ka tegaysaa culayska ay leedahay shaqada ay haysaa sidaas oo kale wasiirka iyo wasiiru dowluhuna waa la mid, halkani waa madaxtooyadii dalka meel qof jilicsani ka bixi karo maaha meel qarin kartana maaha maaha qof balwaawiya oo balwado badan meeluu ka shaqayn karo runtaan idiin sheegayaaye waxay u baahan tahay qof Dynamic ah oo Energetic ah xil kaste ah ayey u baahan tahay”

intaa marka laga tago xukuumada Madaxweyne siilaanyo gadhwadeenka ka yahay Khadri maaha haweenaydii ugu horaysay ee xil muhiimkaa leh loo magacaabo haweenku kaalin weyn-bay bulshada ku leeyihiin bulshada, waxaynu nahay bulsho inta badan curdina oo markii hore dhaqankoodu ahaa in raggu xoog maalka noqdo haweenkuna agabka hoose iyo maamulka guriga , nolosheenii way isbedeshay maanta waxaa xoogmaalkaa waa haweenka kuwa sariibada fadhiya kuwa suuqa fadhiya kuwa qaadka iibinaya haween bay noloshu ku dhisan tahay duruuftii-baa inala gashay Kaalintaa mugta leh oo keliya maahee siyaasadana qeyb bay ka yihiin wixii ilaahay u baneeyeyna way leeyihiin wixii ilaahay ka reebayna iyaduna waa meesheeda, wasiiray noqon karaan mudanayaal-bay noqon karaan inaan dhiiro gelinana xukuumada waa ka go’an tahay waxaa madaxweynaha iyo xukuumadiisu ay golaha wakiilada u gudbiyeen in dumarka ay laba qaab golayaasha sharciga ku yimaadaan qaab kooto ah iyo qaab tartan ah kootadii waxay hor taalaa golaha wakiilada xukuumad ahaana waanu dhiiri gelinaynaa mudanayaasha xisibiga kulmiyena waan kaga ololaynaynaa in kootadaa haweenka la suura geliyo si haweenku uga muuqdaan siyaasada , Waxaa weeye oo kale Madaxweynuhu jagooyin aad u muhiima ayuu u magacaabay hablo waxaa kamida safiiruu u magacaabay safiirada Madaxweynuhu magacaabay tiraba laba hablood ayaa ku jira Safiirka Wadanka Canada iyo Safiirka Wadanka Sweden waa laba hablood oo qiimo leh oo shaqadoodana aanay cidi dhaliilin waxaa kaloo kamida Xukuumada Madaxweynaha ama Madaxweyne Somaliland maamulo laba Wasaaraddood-baa ugu culays badan waa Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo iyo Wasaaradda Maaliyada Waa Labada Wasaaraddood ee ugu miisaanka weyn ee ugu culayska badan Wasiirka Maaliyaddu waa Marwo Samsam Cabdi Aadan wasaaraddiibaa dabacday way ciirtay bajadkii-baa soo bixi waayey midna lama maqal waa tijaabo taasi waxay muujinaysaa inay maamuli karaan haweenku xilal aad u muhiim”
“Waxaan jecelahay inaan shacbiga Somaliland halkan fariin uga diro wakhtigan aynu ku jirno diiwaan gelintii codbixiyayaasha waxaan shacbiga Somaliland ku dhiiri gelinayaa Anigoo ku hadlaya xukuumada JSL waxaan ku dhiiri gelinaynaa inay ka qeyb qaataan diiwaangelinta codbixiyayaasha oo fursadaa ka faa’idaystaan gaar ahaan Gobolka Togdheer ee ay maanta ka socoto bishaa koobaad lagu jiro gobolka awdalna sida gudiga doorashooyinka jaantuska shaxda ku muujiyey gobolkii labaad yahay in loo diyaar garoobo oo aynu ka faaidaysano oo codkeena soo saarno inuu qofku xaq codbixineed yeeshaa xuquuqda aasaasigaa bay ka mid tahay waxaan leeyahay bulshadu haka faa’idaysato waxaan runtii halkan ka cadaynayaa Xukuumada Madaxweyne siilaanyo hogaamiyaha ka yahay inay ka go’antahay inay dalkan ka go’antahay diiwaangelinta madanigaa oo aan hore waligeed u dhicin taariikhda oo muwaadiniinta Somaliland aqoonsi loo sameeyo oo ah guul weyn oo qarankani gaadhay inta hadhayna hada dib loo bilaabay maamuladii deegaanada lagu wareejiyey inay wadaan iyagu oo barbar wadaan hawshan ahna mid waligeedba socon doonta sidoo kalena diiwaan gelinta codbixyayaashu tahay mid hada soconaysa”

“Waxaa naga go’an inaan garab galno gudiga doorashooyinka qaranka, nagamay soo caban saluugna kamay muujin dabaca nalaguna dhaliilay qeybtii nalaga doonayey waajibka nagu ahaydna lama maqal. Waxaan ka xumahay xisbiga Waddani madaxdiisa u saraysaa inay af labadiisa daan warbaahinta horteeda ka yidhaahdeen xukuumadu hawshaa daacad kama aha waa nasiib daro eryada noocaasi way sahlan tahay in erayda noocaasa warbaahinta laysu mariyaa. Waddani saluug ay qabaan noomay soo gudbin dhaliila nooma soo gudbin Gudoomiyaha Waddani iyo xisbigiisa iyo Madaxdiisu Madaxweynaha anigu wasiirka la shaqeeya baan ahay nooma soo gudbin tabashooyin ay werwer ka muujinayaan shaqada qeybta anaga nagaga beegan. Warbaahintana hadaladaa waan ka maqlaynay shacbigana waa shacbi bisil oo lama jaah wareerin karo guddiga doorashooyinkuna cabatin nooma soo gudbin bal ee waxaan leeyahay halka xisbiga waddani ay naga dhaliilayeen ama ay durayeen daacadnimadayada gudiga doorashooyinka qaranku warbaahinta bulshada Somaliland iyagoo la hadlaaya ayey Madaxweynaha hambalyeeyeen oo ay amaaneen doorkay ka qaateen, cida mas’uulka ka ahi waa gudiga doorashooyinka qaranka maaha xisbiga waddani iyaga qiimaynaaya wixii ka qabyo ah cida labaad ee ay kaashayaan Xisbiyada qaranku waa Stack Holders ciyaartay ku jiraan anaku xukuumad ahaana waxaanu nahay saddex maysin baanu ku leenahay kow Waxaanu ku leenahay nabad gelyada qaranka inaanu sugno nabad gelyada goobaha diiwaan gelinta in aan amaankooda sugno waa nagu waajib waanu suganay hadaanan daacad ka ahayn maanu sugneen waxaa nalaga doonayey dakhliga ku baxaya kharashka qeybaa nalaga doonayey waanu bixinay bal ee kii aanu isla ogayn ee deeqbiysyahaash caalamigaa EU nala ogaayeen kuwo ka badan baanu bixinay oo soo baxay oogaaba oo beesha caalamku tidhi anagu dhaqaale uma hayno xisbiyada mucaaridku naloomay iman codsigaa bulshada Somaliland nagu ajurayn. madaxweynaha waxaa dhaxalkiisa ka mid ah inuu qarankan uga tagaayo inuu suura geliyo diiwaan gelin saxa iyo doorasho xor ah oo dalkan ka dhacda isaga oo madaxweynuhu taa ka duulayo iyo kaaliya-yaashiisu ayaanu meel marinay oo dhaqaale iyo culaysyo kale aanu qaadanay oo laga yaabe inaanay qaarkoodba xogagaal ka ahayn xisbiyada mucaaridka ahi komishanka qaranku iyagaa xogagaal ka ah waa kuwii warbaahinta ka sheegayey culayasyadii faraha badnaa ee yimi ee aanu qaadanay”
“Waxaan leeyahay waxaan naga go’an in dalkan diiwaangelin saxa ka hirgelino waxaa naga go’an inaan doorashooyin xora dalkan ka qabano, waxay muujinaysaa xisbiga kulmiye bixidii socdaalkii gobolka Togdheer uu u baxay Madaxdiisu waxaan arkaayey iyagoo xisbiyada mucaaridku ka qeyliyey oo ashkateeyey, hadii xisbigii kulmiye xisbi xaakimkii dhaqaaqay oo muujiyey inuu daynaynaayo dadka ku dhiiri gelinayana laga qeyliyo marna la yidhaahdo xukuumadu daacad kama aha dee erayadaasi waa ereyo iska hor imanaya waxay muujinaysaa Gudoomiyaha xisbiga kulmiye waa gudoomiyihii keli ahaa ee tegay furitaankii gobolka Togdheer laga bilaabayey waxba ka sheegi maayo gudoomiyayaasha kale safaraday meelahaa ku marayeen anaga ixtiraam bay naga mudan yihiin waxaan nahay xukuumad mudakara hadalkooduna hufan yahay yoo-yootanka iyo caydana siyaasad uma naqaano dacaayadaha iyo beentana uma naqaano siyaasad wax se aanu leenahay haday shaqo xisbiyadoodu leeyihin ku maqnaayeen tani hawl qaran bay ahayd anaguna masiirkagii waanu kasoo baxnay qaranku inuu is diiwan geliyaa ummada oo dhan in laysku taxaabaa waa masuuliyad saaran qaranka xukuumada iyo Komishanka iyo Muwaadiniinta dhamaanteen waa masuuliyad ina saaran waa xil wadareed”

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

DSC_0075

DSC_0074

DSC_0072

DSC_0070

DSC_0068

DSC_0065

DSC_0063

DSC_0061

DSC_0052

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

DSC_0002

DSC_0001

Daawo Agaasimaha Maamulka Madaxtooyada iyo Agaasimaha Samafalka oo ka hadlay soo dhawaynta DG- Madaxtooyada

Daawo Masuuliyiin dhawra oo ka hadlay Xaflada soo dhawaynta ee Agaasime Khadra Xaaji Geydh maanta loogu qabtay Madaxtooyada JSL

Daawo Agaasime Khadra Xaaji Geydh oo Madaxweynaha uga mahadcelisay Xilka DG-ga ee uu u magacaabay

Daawo Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi oo Ka hadlay Arrimo ay ka mid tahay Dhaliishi waddani u jeedieyey Xukuumada iyo Arrimo dhawra