Xasan Sheekh Oo Ammaanay Horumarka Somaliland Ka Gaadhay Doorashooyinka iyo Dawladnimada

0
417

Xasan Sheekh Oo Ammaanay Horumarka Somaliland Ka Gaadhay Doorashooyinka iyo Dawladnimada

Muqdisho(Warsugan) Madaxweynaha xukumadda Muqdisho Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ammaanay horumarka Somaliland ka hanaqaaday. Waxa kale oo uu dib u saxay hadal uu dhawaan ka sheegay magaalada Jawhar oo nuxurkiisu ahaa inuu Somaliland maamul u samaynayo.Waxa uu sheegay in wada hadallo rabitaanka dadka ku qotama la samaynayo, balse iyaga mabda’oodu yahay sidii Soomaalilan uga mid noqon lahayd Soomaaliya inteeda kale.

Hadalkan ammaanta u badan ee Xasan Sheekh ayaa ka dhashay su’aalo telefishanka Universal ka waydiiyay khudbad uu ka jeediyay caleema saarkii maamulka Hirshabeelle ee Soomaaliya, halkaas oo uu ka sheegay in nidaamka maamul u samaynta Soomaaliya ay u hadheen Muqdisho iyo Somaliland, arrintaasi oo xukumadda Somaliland si kulul uga jawaabtay kuna tilmaanay ayaan darro, in hadalladaasi ka soo baxaan madaxweyne ku guul daraystay dagaallada waddankiisa.

Xasan Sheekh oo la waydiiyay wuxuu hadalkiisa hore ee Somaliland ku aaddan ula jeeday ayaa sheegay in Somaliland tahay dhul degan oo dawladnimo ka hana qaaday “Dhul hadda degenaanshiyo fiican ka jirto weeye.Wakhti fog ayay colaado sokeeye ka dhammaadeen.Waxay galeen dawlad dhisid.Waxay galeen doorashooyin, waxay doorteen dad metela oo talada dalka maanta gacanta ku haya, markaa waa meel horumar ka jiro, doorashooyin galay, haddana doorashooyin u mudaysan yihiin.Halkaas waxaa ka jira horumar aad iyo aad u weyn,” ayuu yidhi Xasan Sheekh.

Geesta kalena Xasan Sheekh wuxuu ku andacooday in wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ay uga goleeyihiin sidii Soomaalida la isugu soo celin lahaa laakiin, aanay degdeg-sanayn “Mabda’a guud waxa uu yahay dalka Soomaaliya in la mideeyo oo Somaliland dib uga mid noqoto Soomaaliya.Farsamo ahaan, sidee loo midoobayaa, sidee wax loo kala qaadanayaa, arrimahaas waa farsamo wakhti dheer baanay u baahan yihiin,” ayuu yidhi Xasan Sheekh.

Dhinaca kale wuxuu sheegay inaanay dhinacoodu degdegsanayn, islamarkaana wada hadalku muddo soo socday haddana uu sii socon doono“Wakhti dheer baa la soo galiyay, wakhti dheer oo kalena waa la galinayaa, mana degdegsanin oo ma lihin barri may dhacdo, bisha dambe may dhacdo oo ma rabno in taariikho cayiman u samayno. Waxa socda wada hadal walaalnimo, waanu sii xoojinaynaa wada hadalka, waxaanu doonaynaa dawladnimo raali lagu yahay sida lagu helayo, iyadoo rabitaanka dadkana la tixgalinayo, markaa wada hadalku halkaas ayuu ku wajahan yahay ee maamul dhisid iyo waxaas lug kuma leh,” ayuu yidhi Mr Xasan.

Hadalkan Xasan Sheekh ku tiraabay xilli muddo xileedkiisu dhammaaday, sidoo kalena uu musharrax yahay ayaa imanaya wakhti dawladda Somaliland u aragto wakhti dheer rubuc Qarni citiraaf la’aan ah, sidoo kalena Soomaaliya fashilisay wada hadallo masiiri ah oo labada dhinac u socday.Soomaaliya ayaa arrimo badan oo burbur iyo dagaallo ahi horyaallan, kuwaasi oo caqabad ku ah wada hadal rasmi ah oo labada dawladood dhexmara.

Xigasho Wargeyska Warsugan
Warsugan15@gmail.com
warsuganmedia@gmail.com
Hargeysa/Somaliland/Office