Xasan Waraabe Cadde Oo Ka Hadlay Dhacdadii Borama, Khilaafkii Ciyaarta Iyo Xal uu u arko in wax lagu dhamayn karo

0
439

Xasan Waraabe Cadde Oo Ka Hadlay Dhacdadii Borama, Khilaafkii Ciyaarta Iyo Xal Uu Soo Jeediyey

Hargeysa(Warsugannews)Guddoomiyihii hore ee Olambiga Somaliland, Xasan Waraabe Cadde ayaa ka hadlay dhacdooyinkii toddobaadkan ka dhacay magaalada Borama, kuwaas oo ay sababeen ciyaarihii lagu qabanayey magaaladaas, taas oo sababtay dhimashada laba wiil iyo dhaawaca dad kale oo ay haleeshay rasaas.

Xasan Waraabe Cadde waxa kale oo uu ka hadlay qaabkii uu ku bilaabmay murankii mushkiladda sababay ee ciyaartii AWDAL iyo MAROODI JEEX, taas oo uu tilmaamay in sida uu ku hayo warar sugan, uu calan-wadihii dhinaca bidix ee garoonka joogay uu qabtay rikoodhe, kaas oo halkii uu ka sugi lahaa garsooraha koowaad ee ciyaarta ku dhex jira, dabeetana ayka tashan lahaayeen isagoo u sheegaya khaladka uu arkay, taas beddelkeeda uu soo cararay oo uu sidii garsooraha koowaad uu yahay uu farta ku fiiqay halka rikoodhaha la dhigo.

Xeel-dheerahan ciyaaraha ee Xasan Waraabe Cadde, waxa uu soo jeediyey talooyin uu siiyey xukuumadda, shacabka, ciyaartooyada iyo maamulka ciyaaraha, kuwaas oo uu kula taliyey in inta dadku fahmayaan ujeedada ciyaaraha ee ah is dhexgalka iyo inay dadku ku saaxiibaan, la joojiyo gebi ahaanba tartamada noocan ah, si aanay u kala fogeynin dhallinyararada.

Xasan oo u warramay shabakadda ciyaaraha ee Cadalool, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay: “Wixii dhacay sidaan warka ku hayo, ama ay ii xaqiijiyeen dad goob joog ahaa ama aan telefishanka kala socday, calan-wadaha ayaa qabtay rikoodhe iyadoo ciyaartu 1-0 ah. Waxay ahayd haddii uu khalad qabanayo inuu halkiisa taagnaado, calankana kor u taago isagoon garoonka soo gelin, dabeeto marka uu garsooruhu u yimaaddo ay tashadaan. Laakiin garoonka inuu soo galay ayaa la sheegayaa, haddii ay taasi jirto khalad weeyaan. Rikoodhahaas saxsanaantiisa iyo khaladkiisaba, guddida ayey tahay inay baadhaan.” Sidaas ayuu yidhi Xasan.

Xasan Waraabe Cadde, waxa uu sheegay in uu hore uga digay dhacdooyinka noocan ah, taas oo ay sababtay gobollada oo sida uu sheegay qaab qabiilaysan u samaysan.

“Inta dhallinyaradu fahmayaan in ciyaaruhu is dhexgal iyo saaxiibtinimo yihiin, waa la iska joojiyo, sidaas ayaan ku talinayaa. Haddii kale, qabyaaladda ayey sii badinayaan, ama waan in ciyaaraha lixdii gobol ee hore lagu galo.” Sidaas ayuu yidhi.

Xasan Waraabe Cadde oo ka jawaabayey su’aal ahayd waxa ay yeelayaan xulka gobolka Maroodi Jeex haddii ay cabanayaan iyo cidda ay u dacwoonayaan, iyo waliba waxay filanayaan, waxa uu yidhi: “Haddii ay jirto guddi ka garnaqda khilaafka ciyaaraha ee noocan ah, rafcaan ayey ka qaadanayaan go’aankii hore, guddida ayaanay u dacwoonayaan. haddii lagu qanco in go’aankaasi khalad ahaa, waa in ciyaar celis ah.”

Xasan Waraabe Cadde waxa uu ka digay dhiig dambe oo ku daata ciyaaaha, waxaanu ku nuuxnuuxsaday in taladiisu tahay in la joojiyo ciyaaraha illaa inta dadku fahmayaan.

warsugannews

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here