Xildhibaan Komishanka Ku Ammaanay Socdaalkii Ay Ku Tageen Bariga Sanaag

0
487

Xildhibaan Komishanka Ku Ammaanay Socdaalkii Ay Ku Tageen Bariga Sanaag

Hargeysa(warsugannews)- Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa ku ammaanay Komishanka doorashooyinka qaranka socdaalkii ay dhawaan ku tageen gobolada bariga Somaliland, gaar ahaana bariga gobolka Sanaag.

Xildhibaan Xamuud oo shalay la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Komishanka doorashooyinku yahay kii u horeeyay ee gaadha deegaamadda bariga gobolka Sanaag isla markaana ay mudan yihiin in lagu hambalyeeyo.

“Komishanka doorashooyinku dhawaan waxay u baxeen socdaal ay ku tageen gobollada bari ee dalka, gaar ahaan bariga Sanaag, arrintaasina in badan ayay jiitamaysay, dedaal badan oo la sameeyay marna ma qabsoomin, waxaana aan leeyahay aad ayaad u dadaasheen Komishanka doorashooyinka haddii aad tihiin, wax weyn ayaad qabateen waanad ku amaanan tihiin.”

“Shacabka ku dhaqan bariga Sanaagna waxa aan leeyahay fartiina yaan subag dambe lagu dhuuqin ee waa inay ka qayb galaan doorashooyinka soo socda oo ay qaataan kaadhka dhalashada, waa muhiim, waana Komishankii doorashooyinka ee Somaliland ee ugu horeeyay ee taga bariga Sanaag.

Madaxweynuhuna hore ayuu u tagay markaa waxa aan is leeyahay caqabadii deegaamada taallay waa laga gudbay,” ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud.’

Xildhibaanku waxa uu u soo jeediyay hay’adaha dalka ka hawlgala inay gadhaan bariga Sanaag, waxaana uu yidhi “Hay’adaha isku soo koobay halkan ee dalkii kala qaybiyay iyana waxa aan ku boorinayaa inay tagaan bariga Sanaag. Dadkuna wuu soo dhawaynayaa oo way danaynayaan hay’adaha oo inay helaan xaqoodii iyo xuquuqdoodii.”

Somaliland.Org/Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here