Xulad Damay, Hal-Door Lagu Goblamay, Deeqsi Naga Hoyday” Abwaan Weedhsame Oo Gabay Ku Cabiray Geeridii Naxdinta Lahayd Ee Wariye Axmed Xasan Cawke

0
677

“XULAD DAMAY, HAL-DOOR LAGU GOBLAMAY, DEEQSI NAGA HOYDAY” ABWAAN WEEDHSAME OO GABAY KU CABIRAY GEERIDII NAXDINTA LAHAYD EE WARIYE AXMED XASAN CAWKE.

Is diidsiiyey dhiilada warkiyo hadalka soo duulay

Duufaan xasuusuhu kacsheen daali madaxayga
Dubaaqayga qiirada damqaday igu dinnaahyeeye
Ilmo dabarku hayn waayey oo dhaba u dareeraysa
Hadba duugay waan duugayaa dooxse lama mooso!

Damal dhacay, docdiisii bannaan, deyrka naga liicay
Xulad damay, hal-door lagu goblamay, deeqsi naga hoyday,
Nimay dihatay hooyaba wed baan laga dabbaalayne
Rabbi baan durraansaday baryana waan u dirayaaye
Inta loo darraadiyo ilaah kaama dhigo deyro
Duddo nabada iilkaagu noqoy daarad naxariisa
Qabrigaagu daartii jannada daa’im idamkiisa