Abwaan Laabsalaax oo maanso kooban ku sifeeyey geeridii Cawke

0
507

Abwaan Laabsalaax oo maanso kooban ku sifeeyey geeridii Cawke

Dhaaxuu Nin Wacnaa, Wadkii Dilayoo
Dunida Laga Waday, Wanaag Nin Qaboo.
Nafluhu Waligii, Ma Waaro Ifkee
Waynuhu Qabrigii, Ha Kuu Waasiciyoo
Cawkoow ka Waraab, Wadiga Janadii
Wariye Lagu Hubo, Wanaag Faristiyo
Wayeel xilkasuu, ahaa Waligii
Dadkiyo Wadankuu, Ahaa Nin Ku Wayn.
Waynoow Raxmada, Wadiifo U Sii
.
Waxa Geeriyooday Afsoomaali, waxa Geeriyooday nin Umadeed, Waxa Geeriyooday Nin Somaliyeed, Waxa Geeriyootay.Caanimo, waxa Geeriyooday Waaya Arag,
Waxa Geeriyooday Axmed Xasan Cawke. OO Dadka Somaliyeed u ahaa Haldoor, waa maalin Iftiin damay,..

Geerida Cawke Si dareen leh ayay.I Damaqday. HADA WAJAALE oo Galinka Danbe Lagu Aasayo ayaan Joogaa waxaana Ku Soo.Qulqulaaya Kumanaan qof.

Ilaah ha u Naxariisto.. kalmadii iigu danbaysay.. waxaan ku idhi waynu.Soo.wada Hadli. Markaasuuu igu yidhi hadii rabi idmo waaban isku imanaymaa…
….Ilaahoow.u.naxariiso…..