Badhasaab Jeeni-yare Oo U Qiil Sameeyay Sababta Caaqilka Jaarso Ruqsadda Loo Siiyay

0
583

Badhasaab Jeeni-yare Oo U Qiil Sameeyay Sababta Caaqilka Jaarso Ruqsadda Loo Siiyay

Hargeysa(Warsugannews)November-18-2015-Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex Maxamed Maxamuud Jeeni-yare, ayaa sheegay inay diwaanka cuqaasha ku dareen, islamarkaan ruqsad siiyeen Caaqil bulshada Jaarso dhawaan Hargeysa ku caleemo saartay.

Dad reer Somaliland ah oo uu ugu horeeyo Sheekh Aadan Maxamuud Xiiray(Aadan Siiro), ayaa caleemo saarka caaqilkaasi Jaarso shaki ka muujiyay, kuna tilmaamay mid dhul balaadhsi ah oo ay bulshadaasi oo reer Ethiopia ahi ku doonayso inay Somaliland dhul kaga hesho.

“Caaqil Jaarso ah ayaa dhawayd halkan gobolka lagu caleemo saaray, siyaabo badan baa looga hadlay oo waxaad moodaa in khalad faro badan laga fahmay ,Jaarsadu maaha dad reer Somaliland ah, qolyaha siyaasadaynayay waxaan leeyahay waa niman reer Itoobiya ah, laakiin halkeenan jooga, markaa qofka Jaarso ah ee halkeenan jooga marka ay dhibaato gaadho, tusaale ahaan gaadhi halkaasi ordaya qof Jaarsa ah haddii uu jiidho, caaqil baa magtii qofkaasi ku waajibaysaa ,caaqilkiinna waa inuu hela cid uu la xaajo qaato oo qofka magtiisii uu kala hadlo,”Ayuu yidhi Badhasaabka Maroodi-jeex.

Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex waxa uu sheegay inay siiyeen ruqsada caaqilnimo waxaanu yidhi “Jaarso waa ummad wadanka innala joogta markaa annagu waxaanu ogolaanay inay masuul yeeshaan caaqilku Somaliland Caaqil uma aha , ee Jaarsuu u yahay Caaqil. maadama ay dadkiisii deegaankii innala joogaan, halkanna ay ka sii xag jirto oo ay caasimadii tahay, oo ay yihiin dadka ugu badan reer Somaliland aan aheyn ee halkan innagula nool ee shaqooyinka hoose haya, waxaa dhaca shilal badan oo shaqsiyaad Jaarso ah baa magaalada dhibaato ka geysta, markaa si loo helo masuulkii lagala xaali laaha waa in loo helaa masuul xaliya arrimihiisa.”

Badhasaab Jeeniyare wuxuu sidoo kale ku dooday “Markaa waa wax in badan ina soo maray, dadkana fikirka khaldan ee laga dhaadhiciyay waxaanu leenahay waxaasi ma jiraan, qolyaha mucaaridkana duruufo siyaasadeed oo jahawareera baa haya, khaladaad ayay doonayaan inay dadka wax ugu sheegaan, iyagana waxaan leenahay waar meelo kale oo ka waa weyn bahasha ka daydaya,caaqilkan ha ka daydayinee.”

Badhasaabku isaga oo hadalkiisa siiwata waxaa uu intaas ku daray “Waa dadka ku nool dawladahaa aynu jaarka nahay, annagana u ogolaanay inay masuul yeeshaan, marka dhib loo geysto iyo markay geystaan ilayn waa ummad wadanka innagula nool oo wadanka innala joogtee waa in la hela masuul lagala xisaabtamo.”