Xurmo Hooyo

0
653

Maansadan Xurmo Hooyo waxa curisay Yaasmiin Maxamed Kaahin, gaar ahaan waxay hal-abuurtay o1/April/2015, waana maanso si qoto dheer uga hadlaysa qiimaha hooyada, dhibaatada ugu dulqaadato korinta ubadkeeda. Waxaanay tusaysa qof kasta naxariista iyo wanaaga ku duugan hooyada.

 

Anoo xab ahaa caloosha,

Anoo xubin le’eg jidhkaaga,

Anoo xidid kula wadaagay,

Anoo xudduntaada quutay,

Anoo cunto kaa xammeeyey,

Anoo xiska kaa tabcaanshay,

Anoo kaarkiyo xannuunka,

Ahaa xummad shidda naftaada,

Xaraarka umushiyo dhibkeeda,

Xaddiga damaq fooli leeday,

Adaa xammiloo dulqaatay

Weliba xamdi-naqa ilaahay

Kolnaba ka xabeeban hooyo.

 

Adoo i xannaanshay hooyo,

Adoo i xambaaray hooyo,

Adoo i xurmeeyey hooyo,

Weliba xubbigiyo kalgacalka,

Xisaab li’i ii jeclaaday,

Adoo xilli adag maraaya,

Adaa hooyoy xurmaynta,

Xilkiyo garashada wanaagga,

Adaa xilkasnimo bilaayey,

Weliba aabbana xaq-dhawrka,

Xaqiisa adaa gudaayaay,

Adaa u xamaalay hooyo,

Xilkii marwo adaan ka leexan,

Adaan ka hambaysan xoogga.

 

Nasab hooyaday xariireey

Xayaatada aad ku nooshay,

Xushmad abidkaa ku joogoo,

Haddaad hooyoy xerooto,

Qabriga hoosiyo xabaasha,

Xuladka naartiyo cadaabta,

Xujada imtaxaanka Eebbe,

Ilaah kaa xoree lurkooda,

Xareed kugu soor jannada

Xabiibku wehelkaaga noqoy.