“1-1 waa natiijo cadaalad ah” – Sergio Ramos oo ka hadlay barbarihii El-Clasico

0
365

Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa ka hadlay barbarihii uu u keenay kooxdiisa kulankii soo idlaaday ee El-Clasico.

Sergio Ramos ayaa sheegay in natiijada 1-1 ay tahay mid cadaalad ah, wuxuuna intaa ku daray in haddii Barca ay guulaysan lahayd aysan cadaalad ahaateen.

Kabtanka Real Madrid ayaa goolka barbaraha u dhaliyay Real Madrid waqtigii dhimashada, farqiga dhibcaha ayaana wali ah 6-dhibic.

“Barbaruhu waa natiijada kaliya ee aan ku sii haysan karnay farqigeena, ka hor intii aanaan dhalin goolka natiijadu cadaalad ma ahayn” ayuu yiri Sergio Ramos.

“Uma ciyaarin si aan u dhibaatayno qof, kulanku wuxuu ahaa mid aad u adag, farqiga 6-dhibic wuxuu naga dhigayaa inaan nahay kuwo ka sareeya kooxaha nasoo daba jooga laakiin horyaalku waa mid dheer”.

“Haatan waa inaan hilmaanaa Laliga, waana inaan bilownaa ka fikirka kulanka Champions League ee Borussia Dortmund”.