100 Arrimood oo haddii maamul wanaag lagu wajaho lagu gaadhi lahaa Horumar, oo Dadnimada, Diinta iyo Daddankaba inoo hagaajin lahaa oo aan waxba inagu kacayn!

0
741

BARNAAMIJKA GUULAYSTAYAAL GEEDDIGA WADAAY QEYBTIISA 4-AAD

Duruusta Maamul-wannaagga Ku Toosnaanteeda Qodobkii 3aad

100 Arrimood oo haddii maamul wanaag lagu wajaho lagu gaadhi lahaa Horumar, oo Dadnimada, Diinta iyo Daddankaba inoo hagaajin lahaa oo aan waxba inagu kacayn!

Maanta waxaynu ku soo qaadanaynaa Qormadeenan Boqoradda, Salaadiinta,Jiif Caaqillada iyo Madax-Dhaqameedka  iyo Xidhiidhka Maamul-Wanaagga.

Sida aynu la soconno, ma jirto Maalin ina soo marta oo aynaanmaqal waxa la caleemo saarayaa Suldaan, Boqor, Jiif Caaqil, Caaqil, ama way yar tahayba. Maanta marka aad eegto meesha ay maraysana waa wax laga yaq-yaqsoodo weeye, maxaa yeelay waxay maraysaa in jilib-jilib loo samaysto Suldaan iyo wixii la hal maala. Taasina waxay ku tusinaysaa sida ay u sii badanayso in Bulshadii sii kala qoqobanto oo is kala qaad-qaaddo, isla markaana ay Qabyaaladdii sare soo marto oo Maamul-Wanaaggiina uu hoosta maro.

Waxa masal inoogu filan, haddaynu soo qaadano nin walaalkeen ah oo Filosofar ah oo dagan Magaaladan Hargeysa, lana yidhaahdo Maxamed Cabdi Daa’uud Alle ha ka raali noqdee oo Masal uga dhigay Soomaalida sida dooni bad socota oo marka ay Qabyaaladdu badataba ay afka la quusayso Badda, marka uu Maamul-Wanaaggu hagaaggana ay si fiican u sabbaynayso biyaha Badada.Taasna waxa ku sii caddaynaya, haddaynu dib u jalleecno Barri Bamaadkii iyo waqtigii Dowladdii kacaanka intii ay hagaagsanayd ee ay Qabyaaladda la dagaalamaysay, waxay samaysay in qofkii qof si kas ah u dila in markiiba loo dilo. Halkaasna waxa lagaga baxay Magtii la isla daba wareegi jiray ee Qabyaaladdu ku sii naaxdo. Sidoo kale, waxay samaysay Caymis Gaadiidka ah, oo iyaduna meesha ka saarey  Qadhaanka loo ururiyo Reerahaan marka gaadhi shil galo. Waxaana bixin jirtay Shirkadda Caymiska Gaadiidka,oo Nidaan Calamiah oo Waafi ah u dajisay .Sidoo kale, waxay hagaajisay Shaqo qoristii Dowladda , waxaanay samaysay Hay’ad u gaar ah oo ku shaqaysa Nidaam adag oo dadka u dhexeeya. Sidaa daraadeed, Shaqaalaha Dowladdu qoranayso, kuwa madaxa bannaan iyo kuwa caalamiga ahba, haddii ay  shaqaale doonayaan waxayu soo bandhigi jireen baahidooda shaqaalaha Guddida Shaqaalaha Dowladda, Guddidaasina waxay u soo bandhigi jiray Dadweynaha shaqado doonka ah oo way baahin jirtay, waxaana si siman looga qaadi jiray Imtixaan ciddii ku guulaysta ayuunba ku soo bixi jirtay,iyadoo Qaraabokil jiran. Sidoo kale, haddii ay soo baxaan fursado Waxbarasho oo dibadda ahi waxa la samayn jiray si siman oo Caddaaladi ku jirto. Sidoo kale, waxa jiray Hanti-Dhowr awood fulineed oo madax bannaan lahaa, oo shaqadiisa ay ka go’nayd inuu ilaaliyoHantida Qaranka oo aanay cidna uga daba fadhiisan jirin Ilaalinteeda,gaadhsiisayna markii danbe in cidaba Xatooyo Hantida Qaran haweysato, isla markaana Bulshada Sumcad weyn ku dhex laheyd, iyadoo ay caawinayeen nidaam maxkamadeed oo caddaalad ah. Waqtiyo ay dhacday in Xatooyo ummaddeed la sameeyana waxa si toosa loo mariyey sharciga dadkii falkaasi ku kacay, waxaana lagaga caagay in la qaato Xoolo Dowladeed.Sidoo kale, waxa iyadana taam laga dhigay Nabadgalyadiii, oo waxa meesha ka baxay dhacii, Boobkii iyo Dilkii  Tolaayda laysku yeedhan jiray iyo yaa Reer hebelaay.

Xadhkaha iyo guntimaha fiican ee loo guntay ee Maamul-Wanaagga ah, waxay ka dhigtay doontii la wada saarna ee aynu kor ku soo sheegnay mid si fiican badda u sabbaysa, oo maamul-wanaaggii uu meel walba gaadho waa intii uu Maxamed Siyaad Barre iyo Dowladdiisu hagaasanayde.Waxana Masal kama sii fiican looga soo qaadan kara Mamulkii Khulafada Rashidiintii ee Asaabtii Nabigeenii N.N.K ha ahaatee.

Haddaba, Waxa cad imika, in Doontii aynu kor ku soo sheegnay ay afka biyaha Badada  dartay, oo ay xoogaysatay Qabyaaladdii iyo Reernimaddii. Waxaana meesha ka sii baxay Maamul-Wanaaggii iyo ku toosnaantii Dowladnimada. Waxaana Maanta taasi ku tusaysa in Qabyaaladdii ay marayso meel Indho-ka qabsi ah, isla markaana ay hadhoow iyo imika jiilasha joogaba iyo ku iman doonaba in Maamul-Wanaagsan la dhiso,oo la hanto ay ku adkaato. Maamul-Wanaagga sida tooskaiyo Badheeedhka ah aynu u baal maray ee imika taagan waxaynu ka soo qaadan karnaa dhowr qodob oo imika anay cidiba ka waaban:-waxaana ka mid, iyadoo aan cid gaar loola jeedin , in Masuul kastaa oo Mansab haya uu qorto shaqada Carruurtiisa, Qoyskiisa, Ehelkiisa iyo inta ugu dhow. Waana fursadihii shaqo abuurka ee loo sinaa laguna gaadhi jiray Aqoon, karti iyo Daacadnimo. Waxa kale oo ka mid ah, in Hantidii Qaranka ee inagga dhaxaysay iyoDheeftii Waddanka ay intii gacanta ku haysay sida ay doonan ugu tagri falayaan, oo ay isku xidhmaan5-tii Dabka iyo Dhagaxa ahaa isku ahaa ee la kala ilaalinayey, kuwas oo kala ah:- Ninkii Masuulka ah ee Qalinka Mamulka Hantida Qaranka Gacanta ku hayey iyo Ninkii Siyaasiga ahaa ee loo igmaday inuu Dadka si siman ugu faa’iideeyo oo uu qumiyo Maamul-Wanaagsan  iyo Askarigii ilaalin lahaa Hantida Ummadda iyo Nin Dilaal ah oo bila Damir ah oo aynan  hore u arki jiran oo Xadhko farsameysan oo khariban Habeenkii gunta iyo Ganacsade Dan gaar ah leh oo Qawlaysato ah inagu Cusub ah oo Kitaabna an xidheyn. Marka ay intasi isku xidhman ee ay Dulmi ku heshiiyaan maxaad Dowladnimo iyo Maamul-Wanaag Niyad fiicni lagu wada hadhsan laha oo lagu wadagi laha ka filaysa? Jawaabtu waa Baaba’ iyo Guuldarooyin saamayn weyn inagu keenta ,oo imika Midhaheedii aynu guraneyno!

Dhinaca kale, Qabyaalladdii inay kaba xoog badatay Dowladnimaddii waxa ku tusinaya, in markii Wasiirkan cusub ee Arrimaha Gudaha Yaasiin Maxamuud Xiir la magacaabayba uu soo saaray amar ah, in aan Salaadiin dambe la caleemo saari Karin inta dib loo eegayo Qaddiyaddoda, iyadoo aan arrintaasi Dheg jalaq loo siin oo aad Gidaar kasta ku arkayso Caleemo saar Cusub oo Suldaan, Boqor iyo wixii la hal maala  ah, iyadoo amarkaasina uu jiray. Waxa kale oo Ceeb ah, oo aad ka arkaysaa T.V-yada, Media-yaha, iyado Jilib-Jilib looga kalo hadlayo oo la soo tubaayo Odayaal Qadiyado wakhti lumis ah oo isburinaya uun la soo taagan. Taasina waa arrin ku cusub Dhaqankeena oo Waxyeeladeda leh, iyagoo aan afka ka dhowrayn oo odhanaya ‘Anagoo reer Hebel ah, oo reer Hebel ah, oo ka sii ah jilibka Hebel sidasanu go’aansanay. Sax iyo khaladba. Waxa kale oo la samaystay Marfashyo Jilib-jilib loogu kalo baxay, oo lagaga hadlayo Arrimo gaar ah lagaga haajiray Dantii Guud  Maamul-Wanaaggii la raaci lahaa.

Waxa Xaqiiqo ah, in Madax Dhaqameedka iyo Guurtidu ay Wanaag badan u qabteen Jamhuuriyaddan barakaysan ee Somaliland. Waxaana uu Nidaamka Maamul-Wanaaggu ina barayaa oo Talo tagaan ah imika, in Dowladdii marka joogtaa  ay qabsato wixii waajibadkeed ah ee ka saaran Dalka iyo Dadkaba oo ayna Cidnaba ugu daba fadhiisan cidna ku hallaynin ee ay Shaqadeeda qabsato.Hadii ay hagrasha la timadona laga takhaluso intan Shadadiin Dibada iyo Gudahaba ahi ayna fursado Waxyeeloyin leh oo Wajiyo badan leh.

Haddaba su’aashu waxay tahay, Anigoo an difaceyn ,iloobeynina Dhagartii ay geesatay Dowladdii Kacaanka, haddana muddadii koobnayd ee Maamul-Wanaagga ay ku dhaqmaysay waxa la odhan karaa waxa la gaadhay heer ay Dowladnimaddii shaqaysay oo horumar dhinac walba ahi yimid. Waxaana is waydiin mudan muxuu ku kacay Maamul-Wanaaggaa ay sameeyeen?  Waxa aynu odhan karnaa oo dulucdeenuna ay tahay in Maamul-Wanaaggu anu waxba ku kicin, oo an aheyn in qof walba qabsanayay Shaqadiisa waxana ay ku wajaheen badankoodu Waddaniyad, Is-xilqaan iyo kala dambayn uu qof kasta la yimid, imikana Walalayaal waxba inagu kaci mayso haddii aynu waddankeena Daacad u noqono, Danta guud u helanano, qof waliba uu shaqadiisa qabsado, Bulshaduna isku xidhnaato, oo Shaqsiga iyo Reernimada,Baqdintaiyo Caqli Gaabnimoda . Nolol dadka ka sareysa ku noolow aynu gabigeedaba Miji xaabino oo Guuldarooyin aynu dhex dabalaneyno ogaano in ay kuwii Dawladii Siyaad ee aynu Masalka u soo qadaney ay ku burbureyn.

Qalinkii: Rashiid Sulub Caalin. Email: Sulub2007@yahoo.comTel:0634426781

F.G.Waxan Akhristayaasheyda ugu Cudur daranaya in An ad u dheereeyay Maqaalkan,

Sidaasina Raali iga noqdan>