“114-KII XUBNOOD EE U CODEEYEY DR. XAGLOTOOSIYE WAXAY LA MID YIHIIN 114-KA SUURADOOD ……” XILDHIBAAN CABDIQAADIR-INDHO-INDHO.

0
451

“114-KII XUBNOOD EE U CODEEYEY DR. XAGLOTOOSIYE WAXAY LA MID YIHIIN 114-KA SUURADOOD ……” XILDHIBAAN CABDIQAADIR-INDHO-INDHO.

Hargeysa(Warsugannews):- Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho), oo ka mida mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa waxa uu ku eedeeyey Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) inuu ka baxay dhex-dhexaadnimadii oo uu u codeeyey Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici,isla markaana waxa uu ka dalbaday inuu raali-gelin ka bixiyo arrintaas.

Cabdiqaadir-Indho-indho waxa uu sidaa ku sheegay mar uu caawa u waramayay Shabakada Wararka ee Hayaannews.

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho), ayaa waxa ku sifeeyey 114-kii qof ee u codeeyey Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglotoosiye) inay ka dhigan yihiin 114-ka Suuradood ee Quraanka Kariimka.“114-xubnood ee Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE ee u codeeyey Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglotoosiye) waxay la mid yihiin 114-ka Suuradood ee quraanka Kariimka ah. Waxaanay u codeeyeen gooni isu-taageeda iyo midnimada Somaliland, 230-ka u codeeyey Cabdiraxmaan-Saylici waxay ka codeeyeen Somaliland, waxaanay ahaayeen dhaameel.”.Ayuu yidhi.

Indho-indhon waxa uu ku dooday inay isugu iman doonaan tallo qaran, waxaanu yidhi“114-kii Xubnood iyo taageerayaasha gudo iyo dibadba waxaanu isugu imanaynaa marti-qaad, kaas oo aan kaga tashanayno tallo qaran oo wax-tarta midnimada, qaranimada iyo madax-banaanida Somaliland. Waxaanu isugu imanaynaa tallo qaran oo waxtarta horumarka iyo nabadgelyada Geeska Afrika, tallo ah sidii ay Somaliland ictiraaf uga heli lahayd beesha caalamka”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Waxaan ugu bushaareynayaa shacabka reer Somaliland guddo iyo dibad-ba inaan ugu abaal-gudeyn wax Somaliland wax-yeeleeya.”

Xildhibaan Indho-indho waxa uu ku eedeeyey Madaxweyne-SIILAANYO inuu ka baxay dhexdhexaadnimadii, waxaanu yidhi“Waxaan leeyahay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu ka baxay dhexdhexaadnimadii oo waxa uu taageeray Saylici, arrintaas waanu ka xunahay oo marnaba kamaanaan filanayn SIILAANYO.Waxaan ka rajaynaynaa inuu raali-gelin ka bixiyo”

Hadalkan Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-Indho) ayaa waxa uu ka danbeeyey, kadib markii Shirweynihii shanaad ee Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE oo maanta lagu doortay hogaanka Xisbiga, oo uu saluug ka muujiyay sidii loo dooran-waayay Murrashaxa ku loolamayay Madaxweyne Kuxigeenka Xisbiga KULMIYE oo ahaa Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglotoosiye).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here