15 shay oo aan ka bartay kulankii Guddoomiye Muuse Biixi iyo dhallinyarta,W/Q: Cabdiraxmaan Cabdilaahi Warsame

0
402

15 shay oo aan ka bartay kulankii Guddoomiye Muuse Biixi iyo dhallinyarta,W/Q: Cabdiraxmaan Cabdilaahi Warsame

Inkasta oo aanan nasiib u helin inaan fadhiyo goobtii bisha oktoobar 5dii 2015 guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye mudane Muuse Biixi Cabdi lagu weydiinayay su’aalaha ku saabsan hankiisa Madaxweynennimo iyo xaaladda dalku marayo iyo waliba dareenkiisa ku saabsan xaalado gaar ah oo waddanka ka taagan, haddana 10kii isla bisha ayaan habeennimadii 10:45p (22:45) oo u dhignayd 19:45 GMT aan ku hor diyaar garoobay shaashadda si aan TV-ga Horn Cable uga daawado munaasibaddii I dhaaftay.

Intii haddaba aan daawanayay madashii sida quruxda badnayd ay u soo diyaariyeen Tv-ga horn cable oo ay tahay in loogu mahadnaqo, islamarkaana sida ilbaxnimadu ka muuqato loo fadhiyay waxa maskaxdayda sida maayadda danabka kolba

dhinac u qaadayay fikirro kala duwan oo ku kala saabsan guddmiyaha laftiisa, dhallinyarta su’aalaha weydiinaysay iyo madashaba.

Haddaba intii aan ka gaadhay inaan qoro ee aan iga baxsan ayaan jeclaaday inaan la wadaago dadka wax akhriska jecel arrimaha guddoomiyaha ee loollanka baryahan danbe socdana bidix midig ula socda.

Intii aan kulanka Guddoomiye Muuse Biixi lagu weydiinayay su’aalaha daawanayay ( maaadaama oo aanan madasha joogin, ma garan karo in Telefiishanka Horn cable qayb ka mid faaf reebay iyo in kale), waxaan bartay.

· In dadka reer Somaliland u soo bislaanayaan habka dood wadaagga ee ku dhisan is qancinta qaddarinta ku ladhan

· In dhallinyatu ay la’aayeen meel ay u maraan siyaasiyiinta si ay u weydiiyaan su’aalaha ay u tabanayaan.

· In dhallinyarta maskaxahooda ay buux dhaafiyeen, waxyaabaha saxaafaddu sheegto iyo waxa dadku isla dhex marayaan magaalada, balse aanay lahayn aragti iyo hummaag maskaxda ugu sawiran oo ah siday ay jeclaan lahaayeen in dalku noqdo oo ka duwan kan maanta la hayo.

· In dhallinyarta laga jeediyay dantooda, laguna mashquuliyay, danta uu leeyahay ninka siyaasiga ah, xisbiga iwm.

· In su’aalihii guddoomiyaha la weydiinayay aanay ku jirin amaba ku yaraayeen kuwa muhiimka u leh nolosha dadka caadiga ah sida Biyaha, waxbarashada iwm.

· In sheekada ugu weyn ee dalka lagu hayaa tahay siyaasad

· In khayraadka kaliya ee dalku leeyahay ee laysku wada haystaa noqday siyaasadda.

· In ardayda jaamacadaha ka baxaa sugayaan in shaqooyin lagu marti qaado, oo awoodda shaqo abuurka cid kale leedahay, balse aanay aaminsanayn in iyagu shaqo cusub bilaabi karaan.

· In habluhu ka hadallo cadcadyihiin oo ka hadal faseexsanyihiin Innamada.

· In taariikhda afka laysugu gudbiyaa( oral history) ay wali saamayn xooggan ku leedahay bulshadeenna marka loo eego taariikhda qoran ( written documents)

· In dhamaan aqoonta dalka taallaa, ama mid siyaasadeed ha ahaato ama mid aqoon kale ay tahay inyar oo laysku wareejiyo, baryahaana wax ku soo kordhay aanu jirin, badina tahay wax la maqlay.

· In guddoomiye Muuse Biixi canaan badan oo ku dhacday kadib uu isku dayay inuu inta taaggii is furfuro oo si debecsan u jawaabo, balse aanay wali ka dhawayn, intaa in ka badanna u baahanyahay.

· Aqoonyari iyo af-garoocnimo mid ay ka tahayba, in guddoomiyaha jawaabihiisii aanay sinaba u ahayn qaar soo jiidasho lahaa oo ku khasbayay dadka inay la dhacaan oo go’aan halkii ku gaadhaan inay u codeeyaan haddiiba ay u suurtagasho inuu guddoomiye Muuse Biixi Cabdi doorasho galo.

· In aanu guddoomiyuhu fursaddii habeenkii u arkayn fursad dahabi ah oo ay tahay in uu uga faa’idaysto sidii uu dhallinyarta aqoonta la bidayo ee dalka u kasbado, balse uu ku koobnaa uun inuu su’aalihii la weydiinayay jawaabo koob kooban ka bixiyo.

· In madalaha noocan oo kale ahi ay bilaabmeen lagana yaabo inay innoo sii socdaan.

C/raxmaan C/laahi Warsame

Barnaamij Soo saare ka tirsan TV-ga qaranka Somaliland

Degree in Journalism and Mass Communication

cbdrxmngeni@yahoo.com

Hargeysa Soomaalilaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here