35 GUURADII  XUKUNKA  MAXKAMADII MELETERI  EE  NIDAAMKII MS.BARE  DACWAD DHAGAREEDKII  17 XUBNOOD OO AY KA MID AHAAYEEN CUMAR CARTE QAALIB, & ISMAACIIL CALI ABOKOR

0
361

7.2.1988    35 GUURADII  XUKUNKA  MAXKAMADII MELETERI  EE  NIDAAMKII MS.BARE  DACWAD DHAGAREEDKII  17 XUBNOOD OO AY KA MID AHAAYEEN CUMAR CARTE QAALIB, & ISMAACIIL CALI ABOKOR.

MAHADHOOYINKII   fadhiga maxkamada Xanuun Degdeg ugu soo booday Xeer ilaaliyihii Dacwada,  LAGA-ROONE   Markhaati beenaale   loo watay  oo Ceebtiisii la Kashifay

QALINKII     CALI-MAHAD YUUSUF

Waxay ahayd Ayaan  Axadeed   meerto taariikheedku maraysay 7.2.1988, Amin ku siman 2:15 Daqiiqo ee maalinimo  waxaa hawada soo galay Warkii Duhurnimo ee Idaacada Raadyow  Muqdisho, Qodobkii u horeeyayna ee   wuxuu noqday war dhiilo iyo naxdin leh,  oo  ku bilowday.

Maxkamada Badbaadada Dalka waxa maanta oo taariikhdu tahay 7.2.1988  ku xukuntay dil toogasho ah iyo in lala wareego wixii hanti ah ee ay leeyihiin mid kastaa Dembiileyaasha kala ah

1-Ismaaciil Cali Abokor

2-Cumar Carte Qaalib

3-C/laahi Jaamac Ismaaciil (Galaal)

4-Axmed Maxamed Halac

5-Suleymaan Nuux Cali

6-Cabdi Ismaaciil Yoonis (Ina Duse)

7-Axmed Cumar C/laahi (Qowdhan)

8- Cabdi C/laahi Madar (Hoos ujeed)

Maxkamadu waxa kale oo ay xabsi daa’in ku xukuntay mid kasta Dembiileyaasha kala ah

1-Maxamed Cabdi Aadan

2-Aadan Maxamed Samakaab, iyo

3-Xuseen Ismaaciil Cabdi (Karaash),

Maxkamadu  waxa kale oo 24 Sano oo Xadhig ah ku xukuntay

1-Dembiile C/laahi Jaamac Samatar,

Maxakamada Badbaadada Dalka, waxa kaloo ku xukuntay 5 sano iyo 4 Bilood oo xarig ah Maxamed Saleebaan Yuusuf (Ilka-case),

Dembiileyaasha waxaa maxkamada horteeda si buuxda loogu cadeeyey in ay galeen Dembiyada kala ah, abuurid urur kharbudaad iyo dhisid kooxo hubaysan ee ku xusan qodobada 3aad iyo 8aad ee  sharciga Lrkiisu yahay 54 ee soo baxay 10kii bishii 9aad 1970kii , iyagoo mudadii u dhexaysay 1978kii  ilaa 1982 abuuray hawlgeliyayna urur kharbudaad iyo lid ku ah Midnimada iyo Nabadgelyada Umadda Soomaaliyeed.

Waxa kale oo dembiileyaashu dhiseen kooxo hubaysan oo marar kala duwan hub ku weeraray  goobo kamid ah JDS iyagoo sababay dhimasho, dhac iyo burburin hanta isla markaana hub ku weeraray dad  reer guuraa ah xoolohoodiina ka dhacay,

Isla dacwadan waxay maxkamadu kasii daysay dembiyadii lagu soo dacweeyay  1-Faarax Xuseen Axmed, 2-Jaamac Cismaan Ismaaciil, 3- Maxamed Xasan Ismaaciil,        4-Ismaaciil Xoore Qaloombi, Maadaama si buuxda loogu soo cadayn waayay dembiyadii lagu soo oogay,

Dacwada 2aad oo Maxkamadu qaaday waxay kasii daysay dembiyadii loo kala  haystay

1-Cismaan Maxamed Jeele

2-Sheekh Ciise  Aadan Nuur

Maadaama aan si buuxda loogu soo cadayn dembiyadii wadajirka loogu soo eedeeyey oo kala ahaa lid ku noqosho midnimada madaxbanaanida iyo Nabadgelyada Qaranka iyo haysasho qalab waxyeelo.  oo ku xusan qodobada 1aad iyo 19aad sharciga Lrkiisu yahay 54 ee soo baxay 10kii bishii 9aad 1970kii, iyo qodobka 199 qaybtiisa 2aad  iyo qodobka 207 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed,

Dacwada 3aad oo maxkamadu isla shalay qaaday waxay dembiyadii loo haystay kasii daysay

1-Maxamed Yuusuf Weyrax,

2-Maxamed Aadan Sheekh. Maadaama aan si buuxda loogu soo cadayn dembiyadii lagu soo kala oogay oo ahaa u heshiin debin daabyo qaran, ka dhan ahaansho siyaasada dowlada, haysasho qalab waxyeelo iyo kootarabaan Lacageed,

Dembiyadaas oo ku kala xusan qodobka 4aad  iyo 19naad sharciga Lrkiisu yahay 54 ee soona baxay 10/9/1970 iyo qodobka 208 xeerka ciqaabta.

Dacwada afraad oo maxkamadu  qaaday isla shalay waxay dembiyadii loo haystay kasii daysay  1- Cumar Xaaji Maxamed,  maadaama aan si buuxda loogu soo cadayn dembiyadii lagu soo oogay oo kala haa Lid ku noqosho madaxbanaanida,  midnimada iyo Nabadgelyada qaranka iyo u fududeyn basaasnimo kama ah.

Dhegeysiga dacwada oo bilaabantay 1dii bishii Febraayo  1988,  socotayna ilaa 7dii bishan waxaa dhegeysigeeda si joogto ah uga soo qaybgalay  Dadweynaha Gobolka Banaadir una badnaa ehelada dadka dacwadooda la qaadayey, waxaa mudadii ay socotay Dacwadaasi difaacayey dadka dembiyada lagu soo oogay Qareenadoodii oo ay ku kalsoonyihiin.

Mar kale ayaa Cadadkii Wargeyskii XIDDIGTA OKTOOBAR ee soo baxay 8.2.1988 ayaa lagu daabacay warkan.

Xukunka kiiskan oo si weyn uga Nixiyey Shacabweynaha Soomaaliyeed,  meel kastooy joogaana  waxaa umadda aaminsanayd in aanu  jirin dembi culus oo keeni kara dil  iyo in hantidooda lala wareego oo muwaadiniintani   ka galeen Qaranka Soomaaliya, balse sababta loo dilayaa ku koobantahay markii ay ka biyo diideen Siyaasadii Nidaamka MSBarre.

Dhinaca kalena waxaa jiray Siyaasiyiin la qadiyad ahaa Xubnahan Dilka iyo xabsiga lagu kala xukumay, balse kasoo jeeday Beelo kale, inkastoo ay  isku mudo u xidhnaayeen   Eeda loo haystay,   balse dhamaantoodba waa la sii daayey iyado la sheegay in si buuxda  loogu soo cadayn waayey dembigii loo haystay.

Xaqiiqa ahaana  Cumar Carte iyo Ismaaciil Cali Abokor, waxay ahaayeen Raggii gardaadiyay Indhahana u furay MSBare oo markii uu xukunka qabsaday aan lahayn aqoon uu ku maareeyo hawsha balaadhan ee qaranka. Waxaana Xukunka Dilkoodu  dadka Afsoomaaliga ku hadla dib u xusuusisay  Khaarajintii   lagu fuliyey Xubno ay kamid ahaayeen Janaraal Maxamed Caynaanshe, Janaraal Salaad Gabayre, iyo Kornayl C/qaadir Dheel oo kamid ahaa Raggii 1969kii  Inqilaabka meleteri kula jiray MSBare, oo aakhirkii ku baxay Amarkiisa

Go’aanka maxkamada oo lagu fasiray inuu ku qotomo rabitaanka Rajiimkii dalka haystay, wuxuu sababay culays diblomaasiyadeed oo ka dhan ah  Xukuumadii Soomaaliya, gaar ahaana Dalalka Reer Galbeedka, iyo wadamada Carabta oo si cad uga horyimi xukun qarqooshkaasi.

4 Maalmood kadib oo ku beegnayd 11.2.1988  ayaa Idaacadii Radiyow Muqdisho warkeedii Subaxnimo ku sheegtay go’aan kasoo baxay, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimqoraadiga Soomaaliya Jaale Maxamed Siyaad Barre oo cafis u fidiyey  Xubnahaasi iyadoo xukunkii Dilka ahaa loogu bedelay Xabsi  ay ku qaadan doonaan Guryahooda,

Mar kale ayaa falanqanqaynta go’aanka MSBare  loo fasiray inaanu ku iman wanaag iyo asxaan   balse uu ka dhashay dhawaaqa beesha caalamka   kasoo yeedhay ee lagu diidanaa dilka Xubnahaa, oo dhamaantood isku hayb kasoo wada jeeday.

Dhinaca kalena intii lagu guda jiray Dhegeysiga Dacwadan  waxyaabo aad  u  yaab badan ayaa ka dhacay Madashii kiiskani ka socday,  cid kastoo joogtay  ama warkeedu gaadhayna waxay ku macneeyeen cuqubo iyo  inkaar toos ugu dhacday ragii dacwadan gacanta ku hayey.

Waxaan xusuusta habeen aanu joognay  Baar AYAAN la odhan jiray oo  ku  yaalay Degmada Yaaqshiid, ee Magaalada Muqdisho waana maalmihii  Dhegeysiga dacwadaasi socotay,  miiskaanu fadhinay oo raggii habeenkaas aanu wada shaahaynay aan kasii xusuusto asxaab ay kamid ahaayeen

Daa’uud Cumar Axmed oo a walaalo ahayeen Weriye Yuusuf-Garaad, AHN Fanaankii C/qaadir Sanka,  Suufi oo ka tirsanaa Kooxdii Kubada Cagta ee WAGAD, Jilaagii AHN Nuur Cismaan Jeyte,  waxaa noo yimi, Nin la  odhan jiray C/qaadir Shabeebay oo  ka waramay Sheeko runtii naga yaabisay   oo maanta ka dhacday Maxkamada,

Nin markhaati ku furayey Cumar Carte oo eed weyn dusha u saaray,  ayaa  Qareenkii difaacayey  toos u buriyey Doodii  ninkaas oo ku sheegay  Qoomu-luud aan markhaatiga  Islaamka gelin, C/qaadir Shabeebay wuxuu intaa noogu daray in la Kashifay  Ninkaas oo aan waxba loo reebin,  intaa dabadeed waxaa Akhyaartii  aad u amaaneen Aqoonta sharci ee Looyarkasi  Dr Ismaaciil Jimcaale oo heer caalami ah,

Qisadaas oo habeenkaas ay iigu horaysay Maqalkeedu waxaan mar kale iyada iyo dhacdooyin kale oo  faah-faahsan ka helay Buuga WARJIRE uu qoray Suxufiga Caalamiga ah ee Axmed Siciid Cige  oo qaabkii ay u dhacday Dacwadaasi  goob-joog ka ahaa bilaw ilaa dhamaad, sida  ku xusan boga 50aad ee Buuga Warjire. Xogaha yaabka leh ee ku xusan oo Midiba takale ka daran tahay

Maalintii koowaad ee fadhiga waxaa hadalka furay Xeer ilaaliyihii Maxkamada Cismaan Mayow balse xoogaa  kadib  ayuu saxday hadalkiina ku xidhmay waxaana codkiisii isu bedelay Xabeeb,  Gudoomiyihii Maxkamada Geelle  oo aad u xanaaqay ayaa canaantay oo hadal kulul ku yidhi  “Xeer ilaaliye maanta oo kale looma baahnee inaad xanuunsadee koob  Biya ah cab oo dacwada sii wado”.

Inkastuu   biyihii cabey, balse xanuunkii maalintaas kusoo booday ayuu mudo kadib u dhintay sida ku cad qoraalka Buugan  gaar ahaan qaybaha uu qoraaga kaga sheekaynayo Fadhiga Maxkamadaasi waxaa jiray dad badan oo loo xulay inay markhaati-beenaale ku furaan Maxaabiista siyaasada loo haystay.

Sida ku cad boga 59-60aad ee Buugga WARJIRE ee uu qoray Axmed Siciid Cige, waxaa maalintii 3aad ee Fadhiga Maxkamada la horkeenay Nin Magaciisa lagu sheegay Maxamed Cabdule Danan,

Laguna waday inuu Markhaati ku furo Cumar Carte Qaalib,  inkastoo hadalkiisu ahaa mid jaban oo aan cadayn buuxda lahayn, markuu warkiisii dhamaystay,   waxaa ka daba qaaday qareen Ismaaciil Jimcaale oo ahaa looyarkii  difaacayey Maxaaxiibsta.

Waxaanu Maxkamada horteeda ka sheegay  xog aad u  yaableh oo ku saabsan Ninkan,  waxaanu yidhi qareenku Ninkani markhaati ma geli karo, wuxuu sameeyey Foolxumo weyn  oo sharaf dhac ku ahayd qaranka Soomaaliyeed iyo diinta islaamkaba,  waxaana 1972 kii xadhig ku riday Maxkamada Dalka Somaliya,  isagoo  xiligaa ahaa Diblomaasi metelaayey Haybadii Dalka Soomaaliya,  oo uu ka shaqaynaayey Safaaradii Somaliya ku lahayd Magaalada Paris ee dalka Faransiiska,

Waxaanay qareenadu sheegeen in Nin faransiis ahi uu yimi xaruntii  safaarada ee Paris, isagoo ka dacwoonaya Diblomaasi Maxamed Cabdule Danan, waxaanu Ninkaa Faransiiska ahi yidhi Danan wuxuu ahaa Xaaskayga mudo dheer laakiin  beryahan dambe wuxuu iga raacay Nin kale oo faransiis ah. Iyadoo aanay dhamaanin mudadii aanu ku heshiinay,

Qareenadii waxay sii wadeen difaacoodii iyo deedafeyntii Laga Roonahaa, waxay sheegeen markii Danan Ceebtiisu soo gaadhay Safaarada oo weliba ay heleen Cajalad Video ah oo muujinaysa falkaa foosha xun ee uu samayn jiray,

 

Wasiirkii Arimaha Debeda oo xiligaa  ahaa Cumar Carte wuxuu amray in si degdeg ah Maxamed Cabdule Danan  loogu dhoofiyo Soomaaliya,   markii uu yimi Muqdishana   waxaa la saaray Maxkamad markii kiiskiisa la cadeeyeyna  ku xukuntay  Xabsi dheer iyo inaanu dalka wax shaqo ah ka qaban karin. Waxaana looyarku hadalkiisa ku xusay inay talaabadaasi abuurtay colaada uu ninkani uhayo Cumar Carte.

Weedhahaas oo si daran doori ah uga soo baxaayey  Qareen Ismaaciil Jimcaale  xaqiiqa ahaana  waxay ka yaabisay Dadweynihii tirada badnaa ee Goobjooga ahaa,  Ninkii  loo soo diyaariyey inuu Markhaatiga beenta ah furona waxay ku noqotay Dhul gariir,

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here